Jadwalka Tartanka CECAFA challenge oo lasoo saray

Wednesday November 03, 2010 - 20:57:13
0 Comments
2369
Shaafici Muxyidiin
Iydoo dabayaaqada bishan lagu wado dalka Tanzania in uu ka furmo tartanka koobka Qaramada bariga iyo Bartamaha Africa ayaa xiriirka gobalkan maamula ee CACAFA waxaa uu caawa soo saaray isku aadka tartankan oo sanadkan ay maalgelinesyo shirkadda Tusker..


Sida uu war saxaafadeed uu caawa soo saaray ku sheegay xoghayaha Guud ee CECAfA Nicholas Musonye tartankan ayaa waxaa ka qeyb galaya 12 dal oo kala ah: Uganda, Tanzania, Rwanda, Burundi, Somalia, Zanzibar, Ethiopia  iyo Sudan.

 

Musonye waxaa uu sheegay in tartankan si Live ah looga daawan doono teleefishinka supersport  Musonye oo uu garab fadhiyay gudoomiyha Xiriirka kubada cagta Tanzania  ahna guddoomiyaha CECAfA Leodegar Tenga  yaa sheegay in ay jireen dalal badan oo Afrikaan ah oo doonayay in tartankan lagu casuumo laakin uun ay suuragashay oo keliya in ay si marti ahaan ah maadama ayan gobalka ka tirsnayn u yimaadaan dalalka kala ah:Zambia, Ivory coast iyo Malawi.

 

Laakin dalka Cameroon oo ka mid ah dalalka aad u daneynayay ayaan boos loo helin laakin waxaa loo sheegay in sanadka dambe uu dalkaasi imaandoono tartanka CECAfa challenge cup.

 

Dalalka tartankan ka qeyb galaya ayaa waxaa loo qeybiyay 3 Group waxaana ay isu arki doonaan sidan soo socota iyadoo Soomaaliyana ay maalinta ugu horeysya la cayari doonto Burundi.

 

 

Group A

 

Somalia

Tnzani

Zambia

Burundi

 

 

Group

 

Rwanda

Ivory caost

Sudan

Zanziba

 

Group

 

Uganda

Kenya

Malawi

Ethiopia

 

Laba wadan oo ka tirsan gobalka CECAFA oo kala ah Eritrea iyo Jabuuti ayaan tartankan ka qeyb galeynin sida uu sheegay xoghayaha Guud ee CECAfA Nicholas Musonye.

 

 

Somali Football Media Department

+25250 939226 Office Telephone

+2526 99 969815 Cell

+2521 600601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment