Bashiir Dheere “Rag shaqo loo diray ee baxsaday ma ahan in ay aflagaadeeyaan kubadda cagta Soomaaliya”

Monday August 09, 2010 - 08:44:44
0 Comments
2530
Shaafici Muxyidiin
Mid ka mida masuuliyiinta Kooxaha kubada cagta Soomaaliyeed ayaa ka hadley wararka aflagaadada xambaarsan oo ay saxaafada qaar siiyeen masuuliyiin hore uga tirsaneyd xiriirka kubadda cagta laakin diabdaha ku goostay markii shaqoloodiray kaddib

Bashiir salad barre B/Dheere ayaa xusey in kubadda cagta somalia xiligan ay u baahantahay oo kaliya wax qabad dhab ah iyo horumarin laakiin aysan waxba ku soo kordhin doonin mucaaradad lagala horyimaado hogaanka ay kooxuhu sida sahrciga ah u doorteen,Ama Australia jog ama America iyo yurub kooxuhu waxay doorteen Saciid m.Nuur waana ku qanacsanahay ayuu yiri Gudoomiyaha kooxda Cammell oo ku hadlayey Afka kooxaha 25-ka ah.

Aad ayaan uga xumahay in shaqsiyaad hore uga baxsadey xiriirka kubadda cagta ay iminka isku dayaan inay abuuraan qilaafaad hor leh oo ku saabsan kooxaha iyo xiriirka kubadda cagta ayuu yiri,isaga oo difaacay doorashadii 19ka july lagu qabtey muqdisho,halkaasi oo 4sano lagu doortey gudoonka x.k.cagta ee S.muganbe madaxda ka yahay.

Waxaa uu xusay in doorashadaasi ay ahayd mid ay aqbaleen dhamaan baarlamaanka awooda u leh inay wax doortaan waxna ridaan oo uu ula jeedey 25 clubs u diiwaangashan x.s.k.cagta,Ururada iyo gobollada hadii xiriirka iyo kooxihiisa isku wafaqeen ma jiri karto cid ka hor imiaan karta ragga qeylinayana ha sugteen 2014-ka ka dib ayuu raaciyey.

Mar uu ka Hadley qeylo dhaanta Ina sendiko waxaa uu yiri “Axmed faarax inaga oo 14 kooxood ah ayaa dooraney xili ay jireen qilaafaad u dhexeeya kooxaha iyo xiriirka 7 bilood ka hor ayaana gebi ahaanba iska casilney aniga ayaana ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenadii xiriirkiisa waxaana iminka dhameyney qilaafaadkii Siciid Muganbe ayaana dooraney si looga gudbo dhibaatadii jirtey"ayuu yiri

Ugu danbeyntii waxaa uu xusey in xiriirka kubadda cagta aduunka ee Fifa aysan fara gelin ku sameyn Karin kooxaha kubadda cagta iyo rabitaankooda ayna raali ka yihiin qaabkii ay 19-kii july ku soo doorteen hogaanka cusub ee kubadda cagta 2010--2014

 Waxaa Wareystey

C/xafiid C/samad Zaciimka

 Zaciimka02@hotmail.com



Leave a comment