Mudane Koonfur Yare oo Hambalyo u diray Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagat

Saturday July 24, 2010 - 22:13:07
0 Comments
3504
Shaafici Muxyidiin
Maxamuud Ali Ibraahim {Koofur yare} oo horay xubin aad ufir fircoon uga ahaan jiray xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa Hambalyo iyo bogaadinh u diray guddoomiyaha xiriirka Siciid Maxamuud Nuur, xubnaha guddiga fulinta iyo xogheynta oo uu ugu hambalyeeyay doorashada guusha ku dhamaatay ee xiriirku qabtay isniintii lasoo dhaafay.


Koonfur Yare oo iminka ku nool Wadanka Holland ayaa ku tilmaamay Doorashadii ka dhacday Magaalada Muqdisho in ay tahay mid lagu farxo Maadaama ay ku soo idlaatay buu yiri jawi aad u degan kana yara duwaneyd doorashooyinkii hore, taasoona uu amaanteeda u jeediyay bahweynta kubada cagta Soomaaliyeed qeybaheeda kala duwan.

 

Waxaa uu sidoo kale Amaan iyo Boogaadin u jeediyay Gudiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta wada shaqeyntii ay muujiyeen 4-tii sano ee la soo dhaafay isagoona kula dar daarmay in 4-ta sano ee soo socota ay noqdaan kuwo isku duuban kana shaqeeya Hormarka iyo talaabo wanaagsan oo uu gaaro Sportiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubada Cagta.

 

Koofur yare ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in isbooortigaa Soomaaliyeed uu maanta marayo Marxalad aad u adag taasoona la doonayo in uu helo shaqsiyaad u dhabar Adeyga Marxalada Adag ee uu haatan dalka ku jiro isagoona Dhamaan Bahweynta Sportiga Qeybahooda kala gedisan meel waliba oo ay dacalada Aduunka ka joogaan kula dar daarmay in ay ka wada shaqeeyaan Hormarka iyo isku duubnida Bahda Sportiga Soomaaliyeed.

 

Maxamuud Cali Ibraahim {Koofur yare} ayaa bahweynta Isboortiga weli waxaa ay ku xasuustaan Howlihiisa Shaqo iyo hormarineed ee isboortiga gaar ahaan K/Cagta laga soo bilaabo Sanadii 1991 -2006 oo uu heer wanaagsan soo gaarsiiyay ka shaqeynta Hormarka isboortiga.

 

Koofur oo si weyn loogu Yaqiinay magaalada Muqdsiho ayaa mudadii u danbeesay waxaa uu ahaa Xubin ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed waliba si gaar ah loogu magacdaray Madaalihii Xiriirka kubada Cagta, waxa uuna ahaa Shaqsigii Buuxin jiray Boos waliba oo loogu Baahdo.

 

Marka laga reebo Ciyaarihiisa Degmooyinka iyo Taageeradiisa Kooxda LL PP Jeenyo oo ay dad badani ku xasuustaan waxa uu sanadii  1991-1992 ahaa Guddoomiyaha kooxda kubada Cagta ee Degmada Huriwaa ee koobkii rajo soo celinta. Asigoona 1993,dii noqday Gudoomiyiha kooxda K/cagta ee Feeynuus, balse 1994,tii isku badalay Xoghayaha kooxadaasi Feeynuus.

 

1995,tii waxa uu noqday Xogahayaha kooxada K/cagta ee ALBA, Asigoona 1997,tii ka mid Noqday Xubnaha Guddi Hoosaadka Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, Isla Markaana ka mid ah Xubin ka tirsan Guddiga Fulinta Xiriirka waxa uuna Sanadahaasi ka qeyb qaatay safaro dibada ah oo uu u hogaamiyay Kooxo K.C oo ka qeyb galayay Tartamo caalami Asigoona si gaar ah ula soo shaqeeyay bahweyn Sporti oo ay ka mid ahaayeen, Yaasiin Abuukar Cariif, C/qani saciid Carab, Salaad Gaab, Cabdi Cadde, Bashiir Geesey, iyo rag kale.

 

2000- 2002 . wuxuu  ahaa Xoghayihii Ciyaaraha Fustall-ka iyadoona 2004,ta uu noqday kaaliyaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, 2002 kuufur waxa uu ka mid ahaa Xubnihii Hogaaminayaya Xulka Qaranka ee ciyaaraha la yeeshay Xulka Cameroon, Asigoona Mar kale Fursad u helay in uu Dalka Zanzibar u hogaamiyo Kooxda Elman 2006 sidoo kale waxaa uu ka mid noqday wafdigii xiriirka Somalia ee ciayaaraha Carabta kaga qeybgalay dalka Lubnaan. 

 

Heerka aqoonta ee madaalihii xiriirka K/cagta Somalia Maxamuud Cali Ibraahin [Koofur yare] waxey gaarsiisan tahay ilaa heer jaamacadeed waxaana qabyo ka noqtay waxbarashadiisii Jaamcadda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan { Facolta di sceinse di base }, hayeeshee dagaaladii ka dhacay dalka ayaa u suragalin waayay inuu dhameysto. Asigoona wax barashadiisa Dugsiga Sare, Hoose iyo dhexe kusoo qaatay Dusiga Sare ee Jeneraal Daa'uud. 

 

Koofur waxaa lagu tiriyaa Shaqsiyaadka waqtigooda Dhiigoodaba u huray Hormarinta isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaan Kubada Cagta,waxaana inkastoo uu dibad joog hada yahay uu wali ku taamayaa in kaalinta kaga aadan uu ka qaato horumarinta guud ahaan isboortiga Soomaaliyeed.

 

Somali Football Media department

+2525 930226 Telephone Office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment