Wakiilka Zone 4 ee Guddiga Olombikada Soomaaliyeed oo bogaadiyay qaabkii ay u dhacday Doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta

Friday July 23, 2010 - 08:06:22
0 Comments
2641
Shaafici Muxyidiin
Maxamed Muuse Cabdi Jabroos oo ah Wakiilka Zone 4 ee guddiga Olombikada soomaaliyeed ayaa wuxuu hambalyo iyo bogaadin u diray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, isagoo si gaar ah ugu hambalyeeyay qaabkii ay u dhacday Doorashadii Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.


“Anigoo ah Maxamed Muuse Cabdi "Jabroos" oo ku hadlaya magaca Zone 4 ee ka kooban J/Hoose, J/Dhexe iyo Sh/Hoose, waxaan u hambalyaynayaa Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo qaaday tallaabo taariikhi ah, kadib markii uu Xiriirka Kubadda Cagta ku baahiyay gobollada dalka, si” ayuu yiri Maxamed Muuse Cabdi Jabroos oo dhanka kale hambalyo gaar ah u diray Xubnaha cusub ee Gobollada dalka uga soo biiray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta.

“Xubnahaas waxaan ka xusi karaa Saciid Cabdalla Maxamed (Saciid Cabdallow) oo Zone 1aad wakiil uga ah Xiriirka K/Cagta Gobollada Jubbada Hoose, Jubadda Dhexe iyo Shabeelaha Hoose”ayuu yiri wakiilku.

“Haddaba Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, waxaan u rajaynayaa in Eebbe u fududeeyo howsha ballaaran ee ay dharabka u riteen, xiriirrada kalena waxaan filayaa in ay iyagana ku dhaqaaqaan waddada cusub ee Xiriirka Kubadda Cagta u billaabay, si ciyaaraha dalka loogu baahiyo dhammaan gobollada dalka, waana tallaabo ku dayasho mudan”ayuu hadalkiisa ku sii daray Maxamed Muuse Cabdi Jabroos.

Doroashadiixiririkakuabd cagta ayaa soodhawyn iyo bogadinba kala kulantay gudooiyaha FIFA, xiriirka Africa, kan gobvalka ee CEFACA iyo dhamaan bulsahda Sooamaliyeed ee isboortiga qeybeheeda kala duwan.

Somali Football Media Department.

+2525 930226 Telephone office

+2521 600601   Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment