Guddoomiyaha SSPA oo hambalyo u diray Xiriirka kubada cagta

Wednesday July 21, 2010 - 10:31:38
0 Comments
2511
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiyaha Ururka saxafiyiinta Isboortiga soomaaliyeed Cabdi Casiis Goodax Barre ayaa hambalyo u diray xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ee uu hogaamiye Siciid Maxamuud Nuur oo doorashadiisu todobaadkan ay si habsami leh uga dhacday magaalada Muqdsiho.

Guddoomiye Cabdi Casiis oo war saxaafadeed soo saaray ayaa ku amaanay xiriirka kubada cagta wax qabadkiisa muuqda xili dalka Soomaaliya uu ku jiro dhibaatooyin aad u adag.

 

“Aniga oo ku hadlaya codka ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed waxaan ku amaanayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo stakeholders-kiisa doorashada ku dhacday sida dimoqoraadiga ah ee waafaqsan xeerka kubada cagta aduunka”ayuu yiri guddoomiyaha SSPA.

 

Guddoomiyaha ayaa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta wada shaqeyntii weyneed ee 4-tii sanadood ee lasoo dhaafay uu la sameeyay ururka saxafiyiinta Isboortiga oo labada dhinac ay si weyn isaga kaashadeen horumarinta kubada cagta Soomaaliyeed.

 

“Xiriirka kubada cagta min gudoomiye ilaa iyo masuulka ugu hooseeya, cayaartoyda, macalimiinta, tababarayaasha iyo taagerayaasha kubada cgat Soomaaliyeed waxaan u rajeyneynaa horumar iyo guul”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay guddoomiye Goodax.

 

Waxaa uu sheegay guddoomiyuhu in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta uu afartiisan dood ee lasoo dhaafay ku talaabsaday wax qabad aan horay loogu arag dalka soomaaliya oo ay ka mid tahay barnaamijka qoriga dhig kubada qaad oo lagu dhaqan celiyay boqolaal caruur Soomaaliyeed ah oo hubeysnaa loona adeegsan jiray dagaalada.

 

“Xiriirku shaqada ayuu qabtaa ururka saxafitiin ta Isboortiguna caalamka ayuu usoo bandhigaa howlaha baaxada leh ee soconaya, waxaana hada jira qorsheyaal kale oo ku aadan in lasii balaariyo wada shaqeynta labada dhican”ayuu war saxaafadeedkiisa ku yiri guddomiyaha SSPA.

 

Somali Football Media Department

+2525 930226   Telephone  office

+2521 600601  Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment