Taariikh nololeedkii Xidigii & Macalinkii hore Maxamed Xuseen Skhiikaalow

Saturday May 29, 2010 - 21:19:08
0 Comments
3507
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo wali bahweynta isboortiga soomaaliyeed ay la murugoonayaan geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Macalin Shiikhaalow ayaa waxaan halkan ku soo gudbineynaa taariikh nololeedkii Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed xuseen Cali Shiikhaalow oo geeridiisu ay niyad jab weyn ku tahay bahweynta isboortiga Soomaaliyeed gaar ahaana kubada cagta.


Alle ha u naxariistee Maxamed xuseen cali ( shiikhaalow ) wuxuu ku dhashay degmada shibis ee magaalada muqdisho sanadkii 1955 -kii yaraantiisii ayuuna aad u jeclaa ciyaaraha ,wuxuuse si gaar ah u xiiseyn jiray kubada cagta iyo kubada koleyga, wuxuuna garoomada ku soo biiray sanadkii 1972 -kii kolkaas oo uu ka qeyb galay tar tankii degmooyinka gobolka Banaadir ,isagoo u saftay degmada shibis oo ku guuleysatay koobkii tar tanka., wuxuuna shiikhaalow ku guuleystay tar tankii gool dhalinta kadib markii uu shabaqa ku hubsaday 14 gool, degmada shibis xiligaa waxaa tababare u ahaa cabdalla baacabid.

SHiikhaalow kartidii uu ka muujiyay tar tankii degmooyinka gobolka banaadir ayaa u horseeday in isla sanadkii 1972 -kii loo magacaabo ciyaartoyda xulka qaranka ee gobolka banaadir , ciyaartii kama dambeysta ee tar tankii gobolada 1972 -kii waxaa isugu soo haray gobolada Banaadir iyo jubada hoose, nasiib daro weyn ayaase haleeshay SHIIKAALOW galabnimadii ay dhaceysay ciyaartaas kama dambeysta ah kadib markii ay la rogmatay mooto uu saarnaa oo u soo socotay garoonka kubada cagta ee banaadir , wuxuuna shiikhaalow ka dhaawacmay garabka .

Shiikhaalow isaga oo dhaawac ah ayuu ku adkeystay in uu safto kulankaas si uu u difaaco magaca gobolka banaadir , hase yeeshee daqiiqadii 28 -aad ee ciyaarta qeybteedii hore ayuu mar kale dhaawac soo gaaray shiikhaalow , dhaawacaas oo sababay in cusbitaal loola cararo, waxeyna xiligaa uu dhaawacmayey ciyaartu mareysay 1 - 0 gobolka Banaadir hogaanka ku hayey waxeyse ciyaartii ku soo gaba gabowday 3 - 2 ay koobkii Jubada hoose ku hantisay .

SHiikhaalow kuma ekeyn ciyaarta kubada cagta oo kaliya wuxuuse ciyaari jiray kubada koleyga isagoo ka mid ahaa ciyaartoydii kubada koleyga degmada shibis iyo waliba gobolka banaadir xiligaasna shiikhaalow wuxuu aad ugu wanaagsanaa ciyaarta kubada koleyga marka la bar bar dhigo kubada cagta oo uu waqtiyadii dambe si aad ah ugu soo caan baxay ,shiikhaalow waxaa u diiday in uu sii wato ciyaarta kubada koleyga gudoomiyihii gobolka banaadir maadaAma uu qabay dhaawac garabka ah.


Sanadkii 1973 -kii ayuu shiikhaalow ka mid noqday kooxaha heerka koowaad serie A wuxuuna u saftay kooxdii dowlada hoose ( minicipio ) , sanadkii xigay 1974 -kii shiikhaalow wuxuu ku guuleystay tar tankii gool dhalinta kadib markii uu 24 gool dhaliyay isla sanadkaas ayaana loo magacaabay xulka qaranka soomaaliya,wuxuuna isla sanadkaas ka qeyb galay tar tankii Jaamacada Carabta oo lagu qabtay magaalada Qaahira ee dalka Masar inkastoo ay Soomaaliya ku hartay semi finalka.

SH iikhaalow inta uu garoomada ku dhex jiro waxa uu jeclaa in ay garbihiisa buuxiyaan ciyaaryahanada kala ah Axmed Saalax ( bin shaakir ) ,Nuur suufi ( nuur gaab ) ,Kuluu, Xuseen gabiley, Baani iyo Axmed sawaaxili, wuxuuna safaro ciyaareed ku tagay dalalka Kenya, Uganda, Tanzania, Brundi, Masar, Sudan, Sacuudi careebiya, Zansibar, Nageria, Morocco iyo Abuu dabi , wuxuuna shiikhaalow ciyaaraha serie A -da iyo xulka qarankaba ka fariistay sanadkii 1986 -kii.

SHiikhaalow inkasta oo uu 86-kii ka fariistay cayaaraha hadana kama dhex bixin kubada cagta wuxuuna sanadkii 1998 -kii ka qeyb galay tartankii futsalka oo ay kooxdiisa Nasiib buundo kaalinta labaad ka gashay ,halka uu isagu tartanka gool dhalinta ku guuleystay xiligaas isagoo da’ ahaa.

Intii u dhexeysay 2000-2003 wuxuu ahaa macalinka mashruuca horumarinta kubada cagta soomaaliyeed ee gobalka Hiiraan halkaas oo uu cayaaryahano fara badan kusoo saaray, iyadoo xulka qaranka kubada cagta Soomaaliyeedna uu mudo kooban soo waday sanadkii 2006-dii.

Alle ha u naxariistee waayihii nololeed ee Shiikhalow waxaa ay ku ekaayeen saaka  waabarigii oo uu si lama filaan ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho markii isagoo socday uu wadnuhu istaagay,wuxuuna ifka kaga tagay hal xaas iyo 9 caruur ah.

Alle ha naga sabar siiyo dhamaanteenba

Taariikhdan ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed wuxuu diyaariyay sanadkii 2002-dii Mar Shiikhaalow lagu wareystay xafiiska Ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ee Muqdisho

By Somali Sports Press Association (SSPA)



Leave a comment