Tartanka Xidigaha oo furmay

Sunday May 09, 2010 - 20:29:00
0 Comments
2632
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa Magaalada Muqdisho Ka furay Tartanka kubada cagta xiddigaha oo ay ka qeyb qaadanayaan xiddigo lagasoo xulay horyaalkii dhawaan dhamaaday, kuwaas oo iyagana lasii kala xuli doono si xul qaran halkaas loogasoo diyaariyo.


Xiddigahan ayaa waxaa soo xulay khubaro kubada cagta ah oo uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu u xil saaray kuwaas oo uu ka mid yahay Macalin xuseen
cali cabdulle (Coonka).

Tartankan ayaa waxaa ka qayb galaya 4-kooxood oo loo qaybiyay ciyaartoydii lasoo xulay waxaana Tiradoodu dhantahay 64-Ciyaaryahan oo laga sii xulaayo Ciyaaryahano U qalma Xulka Qaranka Soomaaliyeed, sida uu Shalay munaasabadii furitaanka ka sheegay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xirtiirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cali Saciid Guuleed Rooble.

Garoonka Iskuul Buluusiya Ee Magaalada Muqdisho ayaa Tartankan Kasoconayaa waxaana Jira in Kooxaha Loo Qaybiyay ilaa 4-Kooxood oo Koox waliba kakoobantahay 16-ciyaatooy waxaana la kala  siiyay magacyada kala ah: SYL,JUBBA,SHABLLE IYO DHAGAXTUUR.

Sidoo kale waxaa lasoo xuly afartii macalimiin ee ugu wanaagsanayd Horyaalkii dhawan dhamaaday waxaana maacaalimiintaasi ay kaala yihiin,Macalin Salaad Faarax Xasan oo watay kooxda Gahayr ee koobka qaday, Macaln Cabdi Kuus oo watay kooxda Badbaado ee kaalinta labaad gashay,Macalin Ismaaciil Kuuriya oo watay Dahabshiil ah,iyo Macalin sh,saalax Faarax oo isna watay F,c Banaadir.

Gudoomiye Ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cali Saciid Guuleed Rooble ayaa Furay Tartankaasi isaga oo Ugu Baaqay labadii koox ee Ciyaarayay In ay soo Bandhigaan Ciyaar  wanaagsan ayna Muujiyaan Kalsooni iyo Ciyaar wanaag  si ay U matalaan Xulka qaranmka Soomaaliyeed.

Waxaa Uu guoomiye ku xigeenku U Balan qaaday in ay Gacan siin doonaan Qaf walba Oo Loo Arko in uu U Qalmo Xulka Soomaaliya uuna qarankisia ku matalidoono cayaaraha caalamiga ah.”Qof kasta lugtiisa ha iskusoo saaro”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenku.

Sidoo kale Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta ayaa waxaa uu soo Xulay Dhowr Macalin Oo Loogu Tala Galay In ay Qiimeeyaan Ciyaaryahanada Laga soo Xulaayo Tartankaasi Oo Loo Arko in ay Matali Karaan Xulka Qaranka Ee Kubada Cagta Soomaaliya,waxaana ay kala Yihiin,Macalin Cawil,Ajeellow,C/laahi Siyaad,Macalin Cali BUU,Muxudiin Jabaan,iyo Yuu Cali,Shariifka.

Macalimiintaasi ayaa waxaa ay xulayaan ciyaartoyda Ugu wanaagsan Tartankaasi oo loo Fiirinaayo Aqlaaqdiisa,Tayadiisa,Ciyaatiisa iyo Wixii La halmaaala.

Ciyaatii Ugu Horeesay ayaa shalay Dhexmartay Kooxaha SYL.IYO SHABELLE waxaana guusha Raacday Kooxda Syl oo Ku awood sheegatay 3-1, halka ciyaartii labaadna ay saaka dhex martay kooxaha kala ah: Jubbada iyo Dhagxtuur wxaana 2-1ku badisay kooxda Jubbada.

Horyaalkii dhawaan idlaaday ayaa waxaa uu xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed u arkaa in uu Faa,iido wayn dhalay sababtoo ah inta badan Ciyaartoydii Xulka Qaranka ee U 17-ka ee Guusha wayn usoo Hooyay Soomaaliya  oo Kenya 3-1 kaga badiyay una soo Gudbay Wareega labaad ee tartaanka dhalinyarada Afrika wax alaga xulay horyaalkaas.

By Caydiid C/raxmaan Aadan

Somali Football Media Department

 

+2521 600000 Telephone

+2521 600601 Fax

 

Email:Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment