Kooxda Badbaado oo dhagta dhiigga u dartay kooxda kubada cagta ee Daalo.

Sunday March 21, 2010 - 07:42:42
0 Comments
2156
Shaafici Muxyidiin
Kooxda kubada cagta ee Baddbaado ayaa labo gool iyo waxba ugu awood sheegatay kooxda kale ee Daalo ciyaar shalay subax ka dhacday garoonka dugsiga tababarka booliska ee magaalada Muqdisho.

Ciyaartan oo lagu tilmaamay mid aad u adag ayaa ku bilabatay dar dar ay ciyaaryahanada labada kooxood ay garoonka la soo galeen, iyadoona garsooraha dhexda haya uu ahaa garsoore heer caalami Bashiir colaad carab ayna caawinayeen Cismaan Ax’med Cisman iyo Muqtaar macalin Yuusuf (Fanax)

 

Daqiiqadii 18-aad qeybta hore ee ciyaarta ayaa kubad dusha sare ku socotay waxaa goolhayihiisa daba mariyay mid ka mid ah ciyartooyada daafaca uga ciyaara kooxda Daalo oo si lama fiaan ah shabaqa ugu hubsaday “own goal”, sidaasna ay ciyaartii hogaanka ugu qabtay kooxda Badbaado oo iyaga shalay subax ciyaar wanaag la soo baxay.

 

Weereer iyo weerar celis ay labada koox isku qaadeen ayaa garsoraha ciyaarta waxaa uu ka dhawaajiyay firinbiga dhextalka u ahaa ciyaarta, waxaana lagu kala nastay qeybtii hore 1 iyo 0 oo kooxda kubada cagta Badbaado ku horeysay.

 

Markii la isgu soo noqday ayaa ciyaartooyada Daalo waxaa ay garoonka la soo galeen farsamo sare oo ay ku doonayeen iney isga soo gudaan goolka lagu leeyahay ayna dhaliyaan in ka badan taas oo ay diideen wiilashii magaca Badbaado ku ciyaaray markii gool kale oo si fican looga soo shaqeeyay ay dhex dhigeen shabaqa kooxda Daalo.

 

Waxii markaas ka danbeeyay waxaa sii lumayay rajadii kooxda Daalo  oo loo arkayay iney tahay mida ku guuleysaneysa horyalkan ay ka qabtay guul ay gaarto, iyadoona goolhayihii Daalo ciyaarta laga saaray daqiiqadii 25-aad ee qeybta danbe ee ciyaarta kadib markii uu si bareer ah feer ugu dhuftay ciyaaryahan ka tirsan kooxda ka soo horjeday ee Badbado.

 

Gaba gabadii ayaa waxaa ay ciyaarta ku soo idlaatay labo gool iyo waxba oo ay kooxda  Badbaado ku quusisay kooxda kale ee Daalo, ciyaarta oo ay daawashadeeda ka soo qeybgaen taagerayaal badan ayaa si nadiif ah ku so dhamaatay iyadoona dhalinta iyo macalimiintuba is gacan qaadeen markii uu dhacay seeriga ciyaarta ku soo af jarmeysay. 

 

Somali Football Media Department

 

+2521 600000 office

+2525 936226  office

+2521 600601 Fax

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment