Xiriirka k/cagta Soomaaliyeed oo amaan ujeediyay safaarada Mareykanka ee Nairobi

Wednesday May 06, 2009 - 11:56:35
0 Comments
3148
Shaafici Muxyidiin
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa talaabo dhiiri gelin leh oo horay l.oo qaaday ku tilmaamay tartan kubada cagta ah oo ay safaarada Mareykanka ee dalka Kenya dhawaan u qabatay dhalinyaro Soomaaliyeed ee halkaa ku sugan.


Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab oo war saxaafadeed soo saaray maanta ayaa ku amaanay safaarada mareykanka ee Nairobi qabashada tartamo noocan oo kale ah oo lagu taageerayo horumarinta kubadda cagta,nabada iyo is dhex galka bulshada Soomaaliyeed.

 

“Safaarada Mareykanku waxaa ay muujisay sida ay uga go’antahay in ay ku taageerto shacabka Soomaaliyeed in ay helaan nabad iyo horumar iyadoo loo marayo barnaamijyo nabadeed oo kubadda cagta ah”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid carab.

 

“Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bahweynta kubada cagtu aad ayay usoo dhaweynayaan wax qabadka diplomaasiyiinta mareykanka ee jooga Nairobi oo ay hor kacayaan Safiirkooda Michael Ranneberger iyo u qeybsanaha safaarada mareyukanka ee arrimaha Soomaaliya Mr. Mark Zimmer oo qaban qaabiyay tartankaas ay ka qeyb galeen in ka badan 150 dhalinyaro Soomaaliyeed ah”ayuu xoghayhu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

Waxaa uu xoghayaha xiriirka Sooamaliyeed eekubada cagtu ugu baaqay diplomaasiyiinta dalalka kale ee jooga bariga Afrika in gacan ka geystaanqabashada cayaaro nabadeed oo kubada cagta ah gudaha iyo dibada dalka Soomaaliya.

 

Ujeedada tartankaas ayaa ahayd in dhalinyarada Soomaaliyeed ay u midoobaan nabadda iyadoo loo marayo cayaaraha kubada cagta oo ah tan ugu shacbiyada badan caalamka oo dhan.

 

Somali football media department

 

E-mail: somalifootballmedia@gmail.com

 

Cell: +25250 969815

 

Office: +2521 220176



Leave a comment