G/ ku xigeenka kubada cagta “si aanu ahayn ayaa wax looga qoray kulankii aan la yeelanay wasiirka”.

Sunday May 03, 2009 - 21:24:45
0 Comments
3011
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur H Cabdulle oo war saxaafadeed uu soo saaray loo qeybiyay warbaahinta isboortiga ayaa sheegay in mid ka mida website-yada Soomaaliyeed uu warbixin been abuur ah ka qoray kulan qado sharaf ahaa oo magaalada Nairobi ay dhawaan ku yeesheen wasiirka Isboortiga, Gudoomiye ku xigeenka kubada cagta soomaaliyeed iyo taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliya.


“Waxaan qoraalkaygan ku cadeynayaa in kulankii dhex maray aniga oo ah Axmed Nuur H Cabdulle guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, wasiirka isboortiga saleebaan Colaad Rooble iyo taliye ku xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed General Bashiir Maxamed Jaamac uu ahaa kulan qado sharaf ah oo u jeedadiisuna ahayd in la iska wareysto horumarka isboortiga dalka”ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiye ku xigeenka oo war saxaafadeed uu soo saaray maanta loo qeybiyay warbaahinta isboortiga dalka.

War saxaafadeedka ayuu gudoomiye ku xigeenku ku sheegay in ugu horeyn uu wasiirku ka war bixiyay wax qabadka wasaaradiisa tan iyo intii lasoo dhisay dowladda cusub ee soomaaliya, isagoo xusay in walina wasaarada ay horyaalaan howlo badan sida abuurida cayaaryahano tayo wanaagsan leh iyadoo la kaashaneysa xiriirada kala duwan ee dalka ka jira iyo gudiga olombikada soomaaliyeed.

Intaa kadiib ayuu war saxaafadeedkiisa gudoomiye ku xigeenku ku sheegay in isagu uu hadalkii qaatay kuna bilaabay war bixin uu ka dhiibayay heerka kubada cagta ee dalka Soomaaliya,talaabooyinkii xaga horumarinta ahaa ee uu xiriirku qaaday sanadihii lasoo dhaafay iyo howlaha baaxada leh ee haatan xiriirka hor yaala.

“Kuwa sheeganaya in ay xiriir yihiin oo doonaya in ay car qaladeeyaan howlaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed uu wado sidii wax looga qaban lahaa iyadoo lala kaashanayo wasaarada ayaa ka mid ahayd war bixintaydii aan u gudbiyay wasiirka Isboortiga iyo taliye ku xigeenka ciidankla booliska Soomaaliyeed”ayuu war saxaafdeedku yiri.

Waxaa uu ware saxaafadeedku intaa ku daray in taliye ku xigeenka booliska General Bashiir Goobe uu isna ku talo bixiyay in gudiga Olombikada Soomaaliyed, wasaarada iyo xiriirka kubada cagtuba ay wada shaqeyn baaxad leh ka yeeshaan sidii dhaqso loogu horumarin lahaa cayaaraha kala duwan ee dalka Soomaaliya.

Wasiirka isboortiga saleebaan Colaad ayuu guddoomiye ku xigenku war saxaafadeedkiisa ku sheegay in uu taliye ku xigeenka booliska uga mahadceliyay martiqaadka uu u sameeyay, waxaana uu wasiirku balan qaaday ka wasaarad ahaan in uu wax badan ka qaban doonohoru marinta isboortiga dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa uu war saxaafadeedku been abuur ku tilmaamay war kusoo baxay dhawaan website-ka somsports.com oo uu sheegay in la raacsiiyay sawiradii qado sharafta laakin war bixinta aan loo dhigin sidii wax u dheceen oo sadexda masuulba looga been abuurtay hadalo aanay munaasabada ka sheegin sadexda masuulba.

Somali football media department

 

E-mail: somalifootballmedia@gmail.com

 

Cell: +25250 969815

Office: +2521 220176



Leave a comment