Magaalada Dar Salem ee dalka Tanzania waxaa ka soconaya tababar caalami ah oo loo qabanayo macalimiinta garoorayaasha Qaarada Afrika, waxaana Soomaaliya tababarkaas ku matalaya 4 macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray.
In ka badan 30 ka mida garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliya oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa waxaa maanta seminar aqoon kororsi ah looga furay magaalada Muqdisho.
Aweys Muuse Arboow oo loo yaqaano Aweys Fuundi waxaa uu ka mid ahaa xidigihii lagu dhaaran jiray ahaa ee soo maray kubadda cagta dalka Soomaaliya,waxaana uu ka ciyaarayey lambarka 2-aad ee daafaca isagoo u saftay naadigii caanka ahaa ee Ciidanka xooga dalka ee Horseed oo ka mid ahayd naadiyadii ugu…
Iyadoo in muddo ahba uu xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ku dadaalayay sidii garoonka Stadium Muqdisho looga saari lahaa ciidamada uuna ugusoo noqon lahaa gacnata bahda Isboortiga ayaa dowlada federalka Soomaaliya waxaa ay sheegtay in ay ku dadaaleyso sidii ciidamada looga saari lahaa garoonka…
Guddoomiyaha xidhiidka kubadda cagta ee dalka Djibouti Mudane Suleiman Hassan Waberi oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga xarunta guud ee xidhiidhka kubadda cagta Africa ee magaalada Qahira ayaa maanta 22/2/2012 la kulmay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee qaarada africa (CAF) Mr. Isse Hayatou…
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa dib u casriyeeyay shabakadiisa wararka ee www.somsoccer.com taas oo loo sameeyay qaab si weyn u shaabaha kan ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo Soomaaliya ay xubin buuxda ka tahay.
Iyadoo Soomaaliya ay u diyaar garoobeyso tababarka sanadlaha ah ee (FIFA MA course) laguna wado in uu horaanta bisha soo socota ka furmo dalka Jabuuti ayaa madaxa xafiiska wax barashada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Maxamed Axmed oo xarunta SFF maanta war saxaafadeed kasoo saaray waxaa…
Tababar dhinaca garsoorka ah noociisuna yahay FIFA MA ayaa maanta magaalada Jabuuti uga furmay 28 garsoore oo ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, waxaana tababarkani uu qeyb ka yahay dadaal si wada jir ah ay u sameynayaan ururka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo xiriirka Soomaaliyeed ee…
Cayaar aad u adag oo ka mid ahayd tartanka xiddigaha kubad cagta ayaa waxaa shalay galab isaga hor yimid kooxaha ku cayaarayay magacyada hotelada kala ah City Palace hotel iyo Jazeera Palace hotel waxaana cayaartaas oo madax ka tirsan xiriirka ay daawashadeeda kasoo qeyb galeen daqiiqadihii loogu talagalay…
Baarka weyn ee Liido Sea Food ayaa ku guuleystay tartanka xiddigaha kubada cagta dalka kaddib markii ay 1-0 kaga adkaadeen kooxda kasoo hor jeeday ee SingJet cayaar shalay ka dhacday garoonka jaamacadaha ee magaalada Muqdisho.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta ayaa daqiiqado ka hor furay tababar caafimaadka Isboortiga ah oo socon doona muddo laba maalmood ah, kaasoo ay ka qeyb qaadanayaan arday ka socota jaamacadaha caafimaadka dalka, Ibsitaallada waaweyn iyo ururka bisha cas ee Soomaaliyeed, waxaana ujeedadu tahay in…