CAF oo amaantay horumarka K/Cagta Jabuuti

Saturday February 23, 2013 - 02:54:16
1 Comments
4574
Super Admin
Guddoomiyaha xidhiidka kubadda cagta ee dalka Djibouti Mudane Suleiman Hassan Waberi oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga xarunta guud ee xidhiidhka kubadda cagta Africa ee magaalada Qahira ayaa maanta 22/2/2012 la kulmay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta ee qaarada africa (CAF) Mr. Isse Hayatou iyo xogahaya guud mudane Hicham El Amrani waxaanay masuuliyiintu ka wada hadleen qodobo muhiima.


Sida uu ku sheegay war saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiyaha xidhiidhka kubada cagta Djibouti mudane Souleiman Hasssan Waberi maanta oo ah Jimce wuxuu ku sheegay inay labada dhinac isla soo qaadeen qodobo la xidhiidha kor u qaadida iyo dhiirigalinta kubada cagta ee wadankan geeska Africa ku yaala halkaasoo madaxda xidhiidhka Kubada Cagta (CAF) ay balan qaadeen in ay ka caawinayaan xidhiidhka kubada cagta Djibouti siduu guul uga gaadhi lahaa dedaalka iyo mashaariicda horumarinta kubada cagta ee ay wadaan xidhiidhka kubada cagta Djibouti.



"Waxaanu u bandhigtay madaxa CAF iyo xoghaya guud qoraal xambaarsan dhamaan qorshayaasha u diyaarsan sanadkan in ay fuliyaan kaasoo sharaxayaa baaxadda hawsha aanu fulinayno si kor loogu qaado hagaajinta iyo horumarinta kubada cagta ee Djibouti” ayuu ku sheegay war saxaafadeedkaas madaxa xidhiidhka kubada cagta Djibouti.

Wuxuu kaloo sheegay in ay madaxda xidhiidhka kubada cagta ee qaarada Africa ay ku booriyeen guulaha ay muujiyen xidhiidhka Djibouti iyo dhawaan dhacdadii taarikhiga ahayd ee ay qaadeen ciyaar yahanada kubada cagta Djibouti iyo mutadawaciinta ka shaqeeya kubada cagta ee wadanka Djibouti iyo sida oo kale barnaamijkii ugu waynaa ee shacabka lagu horumarinaayay taasoo ay bilaabeen xidhiidhku bishii ina soo dhaaftay ee Janaayo sanadkan 2013.

"Wuxuu sheegay madaxa Xidhiidhka qaarada Africa ( CAF) waanu u hanweyn yahay dalka Djibouti wixii awooddayda ah anigoo ah madaxa (CAF) waxaan balan qaadayaa inaan ka caawin doono hormarinta xidhiidhka kubada Cagta ee Djibouti, waxaanu aad ugu farax sanahay mashaaricda horumarinta ah ee ay qaadeen xidhiidhka Djibouti ilaa iyo hadda waanu nana ku dhiiri galinaynaa talaabooyinka ay qaadeen si kor loogu qaado kubada cagta”sidaasuu u sheegay madaxa CAF waftigii ku booqday xarunta Qahira.

Kani wuxuu ahaa safarkii shaqo ee ugu horeeyaya ee madaxda Xidhiidhka kubadda cagta Djibouti ay ku tagaan xarunta xidhiidhka kubada cagta ee qaarada Africa tan iyo intii loo doortay madaxa xidhiidhka kubada cagta ee Djibouti Mudane Souleiman Hassan Waberi oo ay ku weheliyaan safarkan shaqo kuxigeenka kowaad ee xidhiidhka mudane Mohamed Yacin Yonis iyo qasniga xidhiidhka kubadda mudane Cali Harred Maxamed.



Maxamed Cabdi Yaasiin

Email: Khya@live.co.uk

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment