Horyaalka B: Al-beder 1 AMB Express 1

Monday April 29, 2013 - 17:01:12
0 Comments
3170
Super Admin
Iyadoo horyaalka heerka labaad ee dalka Soomaaliya 2013 uu galay maalintii 5-aad ayaa naadiga Al Beder waxaa uu bar bar dhac 1-1 ah la galay naadiga AMB express/Badbaado oo sanadkii hore usoo dhacay heerka labaad kadib markii uu galay kaalinta ugu hooseysa horyaalkii heerka 1-aad 2012.


AMB express/Badbaado ayaa helay goolkooda daqiiqadii 6-aad ee qeybta hore ee cayaarta kaddib markii cayaaryahanka xaga weerarka uga cayaara Cabdi Kariim Cali Maxamed uu kubad farsameysan dhex dhigay goosha kasoo horejeeda,, waxaana uu cayaarta ka dhigay 1-0.

Si kastaba ha ahaatee wiilasha Al beder ayaa sameeyay weeraro is daba joog ah iyagoo isku dayay in ay goolka iskasoo gudaan, waxaana u suuragashay in ay daqiiqadii 27-aad ee isla qeybta hore helaan goolka bar bar dhaca oo uu u saxiixay Sharmarke Maxamed Cali.



Laakin markii la isugusoo labtay qeybta dambe labada naadi mid waliba waxaa uu sameeyay dadaal dheeraad ah si uu ugu guuleysto cayaarta laakin midkoodna suuragal uma noqon in uu gool helo waxaana la kala qaatay min hal dhibic.

Intii ay socotay cayaarta ayaa la bixiyay ganaaxyada shaxda hoose ku cad.

AMB Express/Badbaado

Name

Number

Date

Minute

Caution

Ismail Issedin Sheekh

8

29/04/2013

49th

Red Card

Isse Abdulkader Ahmed

5

29/04/2013

55th

Yellow Card

Mohiadin Mohamed Jimale

3

29/04/2013

73rd

Yellow Card

 

AL-BEDER FC

Name

Number

Date

Minute

Caution

Mahad Ali Yusuf

8

29/04/2013

22nd

Yellow Card

Omar Mohiadin Arale

4

29/04/2013

88th

Yellow Card

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment