Garsooreyaasha Soomaaliya oo u diyaar garoobaya Tababar Heer FIFA ah

Monday February 11, 2013 - 00:33:20
0 Comments
3254
Super Admin
Garsooreyaasha Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa wada diyaar garow aad u xoogan oo ay ugu diyaar garoobayaan tababar heer caalami ah oo ay bixineyso FIFA. Tababarkaas ayaa ka dhici doona dalka Jabuuti bisha maarso ee inasoo aadan , sida war saxaafadeed uu caawa xafiiskiisa kasoo saaray uu ku sheegay xoghayaha Guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Xoghayaha guud waxaa uu war saxaafadeedkiisa ku xusay in garsooreyaashu ay muddooyinkan dambe wadeen tababar joogto ah oo noocyo kala duwan ah, waxaana tababarkaasi uu si isku mid ah uga socdaa Muqdsiho iyo qeybo ka mida gobalda dalka oo garsooreyaal kale lagu diyaarinayo.

"Waxaanu leenahay macalimiin khabiiro ah oo ay ka mid yihiin garsooreyaashii hore ee caalamiga ahaa Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) iyo Xasan Maxamed Maxamuud (Farey)—runtii aad ayaan ugu kalsoonahay aqoonta iyo waaya aragnimada macalimiintan oo awood u leh in ay tababarkaas FIFA lasoo tiigsadaan garsooreyaal tayo sare leh”ayuu war saxaafadeedkiisa ku sheegay xoghayaha guud Mr.Cabdi Qani Saciid Carab Caawa.



Waxaa uu sheegay xoghayuhu in koorsada FIFA ay kasoo qeyb geli doonaan28 garsoore oo ka kala socda goballda bartamaha iyo koofurta dalka, Somaliland, Puntland iyo Galmudug, taasoo qeyb ka ah qorshe aqoonta kubada dalka oo dhan loogu baahinayo.

"Koorsadu waxaa ay socon doontaa muddo 5 maalmood ah 3-7-da bisha dambe ee Maarso—xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu xooga saarayaa sidii uu sare ugu qaadi lahaa tirada iyo tayada garsooreyaasha, taasina waa sababta aan sanad kasta u qabano tabbarka heer FIFA ugu yaraan hal jeer iyo ilaa iyo 5 tababar oo dalka gudhiisa ah”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

Waxaa uu xoghayaha guud amaan u jeediyay ururka kubada cagta aduunka ee FIFA oo uu sheegay in uu dadaal aad u weyn ku bixiyay sidii uu xiriirka Soomaaliyeed uga gacan siin lahaa horumarinta kubada cagta dalkan oo ah dal ay aad u bur buriyeen dagaalo sokeeye kuwii ugu xumaa ee dunida soo mara muddo ka badan 20 sanadood oo lasoo dhaafay.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa sanadihii lasoo dhaafay guri u ahaa dalka aanu walaalaha nahay ee Jabuuti oo uu sidoo kalana ku qabsanayay tababarada heer caalami maadama rabshdah adalka Soomaaliya ay ka hor joogsadeen FIFA in ay macalimiinteeda usoo dirto dalka. Garoon heer caalami ah oo ayan Soomaaliya lahayn hada ka hor ayaa ahayd caqadb kale oo ka hor joogsaneysay macalimiinta FIFA in dalka Yimaadaan.

Garoonka kubada cagta Stadium Banaadir ayaa dhawaan lagu dhameystiray dhigista cowska laakin waxaa wali harsan qeybo kale oo muhiim ah oo garoonka kamid ah kuwaas oo dayac-tirkooda la filayo in uu soo dhamaado ugu dambeyn bisha April ee sanadkan.

Xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in marka dhismaha garoonka qeybaha kaharsan lasoo dhameystiro oo xaalada adman ee dalkuna ay noqto 100% uu aad ugu rajo weynyahay tababarada ka xiga in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.








Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com


Leave a comment