Kulanka Jeenyo United iyo Elman FC oo ahaa mid taageerayaal badani aad u wada sugayeen ayaa galabta kusoo dhamaaday is mari waa 1-1 ah, inkastoo Elman ay goolka la hormartay qeybtii hore ee cayaarta.
Madaxweynaha la doortay ee Midowga xiriirada kubada cagta ee wadamada carabta, (UAFA), Turki Bin Khalid Bin Faisal Al Saud, ayaa ku dhawaaqay marxalad cusub oo ku aadan wada shaqeyn uu la sameynayo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda Cagta ayaa shaaca ka qaaday xiliga uu furmi doono horyaalka heerka 1-aad ee dalka ee Nation Link Telecom Championship oo ah tartan isboortiyeedka ugu shacbiyadda badan dalka. Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday xilliyada ay furmayaan horyaalada heerarka B iyo C ee xilli…
Iyadoo xafiiska warfaafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubadacagta ay isagasoo daba dhacayaan dhambaalo hambalyo xambaarsan oo ka imaanaya madaxda kubada cagta caalamka oo dhan ayaa guddoomiye ku xigeenka ururka kubada cagta bariga iyo Bartamaha Africa ee CECAFA Mr. Lawrence Mulindwa waxaa uu maanta dhambaal…
Iyadoo uu gabagabo ku dhow-yahay shirweynaha lixaad ee doorashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa waxaa iminka la doortay guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad.
Waxaa magaalada Muqdsiho soo gaaray wakiilka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta u jooga dalka Ingriiska Dr Cabdi Colaad Raage oo safar shaqo ku yimid dalka si uu ugu kuur galo dadaalada xiriirka kubada cagta ee dalka gudihiisa ka soconaya, isagoo isla markaana xiriirka usoo gudbin doona qorshe horumarineed…
Sarkaal darajo sare leh oo ka socda Ururka kubada Cagta aduunka ee FIFA ayaa maanta dalka soo gaaray, waxaana ujeedada socdaalkiisu ay tahay in uu hogaamiyo tababar heer caalami ah oo FIFA u qabaneyso garsooreyaasha sare sare ee dalka oo ay ku jiraan kuwa heerka caalami.