Tartanka Horyaalka

NB: Fadlan qeybta hoose u daadag hadii aad dooneysid in aad la socoto kala horeynta tartanka

Tartamada uu qabto Xiriirka Soomaaliyeed ee kubaad Cagta waxaa ka mida tartanka caanka ah ee Horyaalka dalka. Tartankan horyaalka waa mid sanadkiiba mar uu qabto Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaana ka qeyb gala dhamaanba 25-ka kooxood ee dalka Soomaaliya ka dhisan una diiwaangashan xiriirka.

Tartanka horyaalka waxaa ka qeybgala dhamaan koxoaha heerarka kala duwan sida heerka koobaad, kan labaad iyo heerka sadexad.

Kooxda qaada koobka horyaalka kooxaha heerka 1-aad waxaa ay xaq u yeelataa in ay kaqeyb gasho tartanka kooxaha horyaalada qaarada Afrika,halka kooxda kaalinta labaad ka gasha tartankan ay ka qeyb gasho tartanka kooxaha horyalada dalalka bariga iyo bartamaha Afrika.

Sidoo kale labada kooxood ee ugu dhibcaha hooseeya tartankan kooxaha heerka koobaad ayaa dib ugu laabta heerka labaad sida sharciga kubada cagtu uu qabo.

Sidoo kale labada kooxood ee ugu dhibcaha badan kooxaha heerka labaad ayaa loo dalacsiiyaa heerka koobaad halka labada kooxood ee ugu dhibcaha yarna ay dib ugu laabtaan heerka sadexaad.

Kooxaha heerka sadexadna labada kooxood ee ugu sareeya waxaa ay u gudbaan heerka labaad halka labada kooxood ee ugu dhibcaha yarna cayaaraha laga reebo muddo sanad ah.

Somali National league 2026-2017