Ra’yi ururin la sameeyay oo lagu ogaaday in South Afrikaanku ay ku kalsooni qabaan marti gelinta koobka aduunka ee 2010-ka.

Saturday January 31, 2009 - 12:38:48
0 Comments
2264
Shaafici Muxyidiin
Dadka reer South Afrika ayaa aad ugu kalsooni qaba in dalkoodu uu si guul ah ku marti gelin karayo koobka kubada cagta aduunka ee 2010-ka loo qorsheeyay in uu dalkaasi ka dhoco,inkastoo uu jiro walaac aad u xoogan oo laga qabo dambiyo mararka qaar dalkaa ka dhaca oo gaangistaradu ay geystaan.


Guddiga ururka kubada cagta aduunka ugu qaabilsan qaban qaabada cayaarahan ee magac ahaan loosoo gaabsho LOC ayaa war murtiyeed uu shalay jimcihii soo saaray waxaa uu ku sheegay in ra’yi ururin la sameeyay ay muujneyso in afartii ruuxba sadex ka mid ahi ay aad ugu niyad san yihiin dalkoodu in uu si guul ah cayaarahaa ku marti gelin karayo.

Waxaa ay dadku rumeysan yihiin in dalkoodu uu xiligii loogu talagalay cayaaraha kubada cagta aduunka ku marti gelin karayo.

In ka badan 77% dadkii codbixinta laga qaaday ayaa sheegay in ay aad ugu kalsoonyihiin in cayaarahaasi ay ku dhici doonaan si guul ah,laakin 55% dadka reer south Afrika ayaa muujinaya walaaca ay ka qabaan fal dambiyeedyada ay ku kacaan kooxaha gaangistarada ah ee dalkaasi ku sugan,

Laakin 53% dadka reer south Afrika ay aaminsanyihiin in cayaaraha kubada cagta aduunka ee 2010-ka dalkaa lagu qabanayo ay hor seedi doonaan sicir babar weyn oo dalakaasi soo wajaha.

Source: African Press Agency

Somali football press department

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com

Cell phone +25250 969815

Office: +2521 220176



Leave a comment