Muuqaalka Garoonka Stadium Muqdisho waa mid aad looga noxo oo u ekaaday howd

Wednesday January 28, 2009 - 09:39:33
0 Comments
6440
Shaafici Muxyidiin
Garoonka kubada cagta Stadium Muqdisho waxaa la dhisay sanadku markuu ahaa 1978-dii waxaana uu bari ka mid ahaan jiray garoomada ugu quruxda badan uguna waaweyn dunida carabta iyo Afrikaba,laakin marxalado kala duwan oo uu soo maray tan iyo 1991-kii ayaa garoonka ka dhigay mid muuqaalkiisa laga naxayo.


Hadii aad dhex gashid garoonka waxaa kuusoo baxaya sawir muujinaya meel baadiye ah oo kale iyadoo sababtuna ay tahay geedaha waaweyn ee garoonka dhexdiisa iyo daafihiisaba ka baxay.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa waxaa uu haatan ku dadaalayaa sidii garoonka Stadium Muqdisho uu dib ugu hanan lahaa bilicsamidii uu bari lahaan jiray, si loo suurageliyo hamiga ah in garoonku uu mar kale qabto shaqadiisii hore ee marti gelinta cayaaraha kala duwan sida horyaalka dalka,general daa’uudka iyo kuwo kale si la mida bari samaadkii

Dhibaatooyinka ugu badan ee garoonka ku dhacay ayaa soo gaaray horaantii 90-meeyadii oo uu muddo dhowr sanadood ah garoonku ahaa xero milatari oo ay isaga daba mareen ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Pakistaan ee dalka Soomaaliya nabad ilaalinta u yimid sanadihii 1993-1995-kii.

 

Mudadaas sanadaha ah waxaa ciidamadii Mareykanka iyo kuwii Pakistaan ay garoonka gaarsiiyeen dhibaatooyin farabadan iyagoo ka tagay garoonka oo bur bur lixaad lehi uu ka muuqanayay,laakin kadib ayaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu sameeyay dadaal horseed u noqday in garoonku uu mar kale noqdo goob isboorti iyadoona mudadaa dkadib lagu qabtay cayaaro kala duwan.

 

Laakin nasiib darro mar labaad ayuu garoonku isu badalay xero milatari bishii Febraayo ee sandkii 2007-dii xiligaasoo ay ciidamo Itoobiyaan ah oo dowladda federalka gacan siinayay dageen kana dhigteen bartooda milatari ee ugu weyn dalka Soomaaliya.

 

Ciidamada Itoobiyaanku waxaa ay garoonka gaarsiiyeen burburkii gu xooga badnaa ee waligiis soo gaara,waxaana uu maanta u egyahay goob baadiye ah,waxaa ka baxaya geedo aad u waaweyn oo ay mudo qaadaneyso in la jaro,waxaana uu xiligan garoonka stadium Muqdisho u baahan yahay shaqo weyn in laga qabto si mar kale uu dib ugu helo bilicsamidiisii luntay.

 

Hada Soomaaliya kama jirto dowlad shaqeyneysa oo lala kaashado dib u dayactirka garoonka howshuna waxaa ay ku furantahay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo tabartiisa dhaqaale ay aad u yartahay soona daalay oo muddo ka badan 18 sanadood ku dhex shaqeynayay dal bur bursan.

 

Buslahda Soomaaliyeed in ka badan 80% waxaa ay jecelyihiin isoortiga gaar ahaan kubada cagta oo ay aad u xiiseeyaan laakin nasiib darro xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu ma lahan goob xiligan u diyaar ah in cayaaro sida horyaalka oo kale ah lagu qabto,iyadoo sababtuna ay tahay labadii garoon ee dalka ugu waweynaa oo mid uu dhisme ku soconayo kii kalana uu noqday duur oo kale oo nafta bini’adamku aanay isku aamini Karin dhexdiisa ilaa iyo uu ka helo dayac tir buuuxa.

 

Bushalda Soomaaliyeed waxaa ay aad ugu hamuun qabtaa daawashada cayaaro kubada cagta ah,laakin xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa hada ay qorshaha mustaqbalka dhow ugu jirtaa in uu dunida u qeylo dhaamiyo si looga gacan siiyo dib u dhiska garoonkan.

Stadium Muqdisho waxaa dhistay dowlada shiinaha sanadku markuu ahaa 1978-kii waxaana lagu martyi geliyay tartamo farabdan oo caalami ah iyo kuwo heer gobal ah waxaana tartamadaas ka mid ahaa: tartankii 18-aad ee ardayda carabta,tartanka kubada cagta ee dalalka bariga iyo bartamaha Africa, tartanka kooxaha horyaalada bariga iyo bartamaha Africa iyo kuwo kale oo fara badan.

 

Laakin Cayaartii ugu horeysay kadib gabagabadii dhismihiisa waxaa ay Stadium Muqdisho ku dhex martay xulka qaranka iyo Koox shiines ah oo lagu magacaabo Liyonen.

 

Somali football press department

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com

Cell phone +25250 969815

Office: +2521 220176



Leave a comment