Sandaqadaha ayaa garoonka waamo laga dhex dhisay kadib markii Islaamiyiinta magaalada maamulaahi ay maalintii JImcihii amar ku bixiyeen in garoonka laga dhigo suuq jaadka lagu iibiyo taas oo keentay in hablaha qaadka ka ganacsadaahi ay sandaqado durbaba halkaa ka dhistaan.
Cali Maxamed oo ka mida dadka degaanka Kismaayo ayaa sheegay in boqolaal dhalinyaro ah oo ka careysan go’aankii Islaamiyiintu soo saareen ee garoonka suuqa loogu badalayo ay dab qabadsiiyeen sandaqadihii halkaa laga dhisay maalmihii sabtidii iyo Axadii.
“Waxanu nahay dhalinyaro ay hiwaayadoodu tahay kubada cagta sidaa daraadeed xageenu aadaynaa oo aanu ku cayaareynaa kubada hadii garoonka suuq laga dhigo,taasi waa wax aanan qaadan kareyn”sidaasi waxaa yiri wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo Cawil Xasan faarax oo shabakadan qadka teleefonka Kismaayo ugu warramay.
Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah madaxa warfaafinta ee maamulka Islaamiga ah ee Kismaayo ayaa isna shabkadan u sheegay in arrintu ayan wali dhameystirnayn oo maalmaha soo socda ay war kale soo saari doonaan,inkastoo aanu sheegin hadii ay isboortiga guud ahaan mamnuucayaan iyo in kale.
Kismaayo waa magaalo istaraatiiji ah oo qiyaastii 500 kilomitir dhanka koofur kaga beegan magaalada Muqdisho,waxaana tan iyo bishii September ee sanadkii tagay ay gacanta ugu jirtay islaamiyiin taabacsan ururka Al Shabaab.
Sanadkii 2006-dii ayaa Islaamiyiinta oo maamulyay inta badan dalka Soomaaliya waxaa ay degmada dhuusamareeb ku dileen laba ka mida daawadayaashii koobkii aduunka ee xiligaas soconayay,waxaa ay gebi ahaanba cayaaraha ka xanibeen hablaha Soomaaliyeed iyagoona xiray masuuliyiin uu ka mid yahay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee karateega Aweys Maxamed Abati Orofeeyo oo la qabtay xilli uu gabdho tababar siinayay.
Bartamihii bishan ayaa maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya waxaa ay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ku wareejiyeen garoonka Stadium Muqdisho maalin uun kadib markii ay halkaas ka bexeen ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo laba sanadood ah daganaa garoonka oo ahaa xaruntooda milatari ee ugu weyneyd dalka Soomaaliya.
Somali football press department
Contact: Somalifootballmedia@gmail.com