Taran Futsal ah oo lagu maamuusayay masuul Isboorti oo hore oo lagusoo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Monday January 26, 2009 - 12:02:19
0 Comments
2758
Shaafici Muxyidiin
Garoon ku yaala degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay gellinkii dambe lagusoo gabagabeeyay tartan Fustal ah oo muddo bil ah socday laguna maamuusayay Alle ha u naxariistee Marxuum Aba Nuur Abati Sheekh.


Tartankan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay guddoomiyaha Isboortiga ee degmada Shangaani Dr Aba Nuur Maxamed Aba Nuur ,waxaana gacan ka siiyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, oo uu wakiil uga ahaa khabiir sare Aweys Axmed Jimcaale,iyadoo tartankaasina ay ka qeyb qaateen 10 kooxood oo loo qeybiyay laba Group A iyo B.

 

Kooxaha ka qeyb galay tartankan ayaa kala ahaa ALyemeni, Ramadaan, Wekiyo,Alkheyr iyo Daawooyinka oo ku wada jiray Group-ka A halka group-ka B ay ku wada jireen kooxaha kala ah : Qarni, Sh Muxuyadiin, Madbcadda, xiddigaha iyo Ceel Gaab.

 

Alle ha u naxariistee Marxuum Aba Nuur Abati Sheekh oo geeriyooday sadex sanadood ka hor ayaa waxaa uu kaalin weyn kasoo qaatay horumarinta isbortiga Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana kubada cagta waxaana uu bari kasoo mid noqday xulkii qaranka e Soomaaliya sanadihii lixdameeyadii.

 

Alle ha u naxariistee Marxuukma ayaa kusoo caan baxay markiisii hore kooxdii la oran jiray Auto barka ,inkastoo uu kooxo kalana usoo cayaaray waxaana sanadihii u dhexeeyay 1963-kii ilaa iyo 1966-kii uu ka mid ahaa xulkii qaranka kubada cagta ee dalka Soomaaliya.

 

Cayartii kama dambeysta ahayd ayaa shalay waxaa ay dhex martay kooxaha kala ah Xiddigaha iyo Alkheyr waxaana ay daqaadihii loogu talagalay kusoo  idlaatay 7-5 oo ay guushu ku raacday kooxdii ku cayaareysay magaca Xiddigaha  Boondheere.

 

Ugu dambeyntii ayaa guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed mudane Cabdul Qaadir Ibraahim Gacal Abkow waxaa uu kabtanka kooxda Xiddigaha guddoonsiiyay koobka kaalinta koobaad waxaana munaasabadaas goob joog ka ahaa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee feerka Xaaji Maxamed Axmed Colow, ku simaha guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed, ku simaha xoghayaha guud ee xiriirka Xasan Farey, Bashiir Maxamuud Geeseey oo xubin ka ah guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada Cagta, Xoghayaha war faafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Shaafici Muxuyadiin, Khabiirka sare ee kubada cagta Soomaaliya Aweys Axmed Jimcaale, marti sharaf kale iyo dadweyne aad u farabadan oo cayaartaas usoo daawasho tagay.

 

Somali football press department

 

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment