Maxkamadaha Islaamiga iyo madaxda xiriirka kubada cagta oo kulan xasaasi ah ku yeeshay garoonka Stadium Muqdisho

Thursday January 15, 2009 - 21:34:49
0 Comments
3618
Shaafici Muxyidiin
Kadib muddo 2 sanadood ah oo ay ciidamo Itoobiyaan ahi daganaayeen ayaa wafdi ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu maanta oo khamiis ah booqday garoonka ugu weyn ee kubada cagta Dalka Soomaaliya ee Stadium Muqdisho taas oo ka dambeysay kadib markii ay ciidamada Itoobiyaanku isaga guureen maalintii Arbacadii.


Kadib muddo 2 sanadood ah oo ay ciidamo Itoobiyaan ahi daganaayeen ayaa wafdi ka socda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu maanta oo khamiis ah booqday garoonka ugu weyn ee kubada cagta Dalka Soomaaliya ee Stadium Muqdisho taas oo ka dambeysay kadib markii ay ciidamada Itoobiyaanku isaga guureen maalintii Arbacadii.

 

Wafdiga xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo uu hogaaminayay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Cali Saciid Guuleed ayaa waxaa xubno ka ahaa kaaliyaha xoghayaha guud ee xiriirka Xasan Farey, Yaxye Abuukar oo xubin ka ah guddiga fulinta iyo madaxa warfaafinta xiriirka shaafici Islow,waxaana ay kulan xasaasi ay la qaateen afhayeenka milatariga ee maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh Cabdi Raxiin Ciise Cadow.

 

Sheekha ayaa sheegay in garoonku uu yahay goob shacabku leeyahay hada iyo wixii ka dambeeyana ay da’yarta Soomaaliyeed u fasaxan yihiin in ay ku cayaaraan mar kale.

 

“Halkani waa goob Isboorti ma ahan goob milatarigu leeyahay,maanta wixii ka dambeeyana waxaan cod dheer ku sheegayaa in uu garoonku xor ka yahay heysashadii Itoobiyaanka ruux kasta oo isboortiga jecelna wuu imaan karaa kuna cayaari karaa”ayuu afhayeenka maxkamaduhu u sheegay wafdiga xiriirka kubada cagta intii ay garoonka wada joogeen maanta.

 

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid Guuleed ayaa uga mahadceliyay maxkamadaha islaamiga ah sida wanaagsan oo ay u sheegeen in garoonku uu hada kadib ku jirayo gacanta xiriirka kubada cagta,waxaana guddoomiye ku xigeenka xiriirku uu dalbaday in baaritaan deg deg ah oo xaga waxyaabaha qarxa ah lagu sameeyo garoonka iyo hareerihiisaba.

 

“Garoonku waxaa uu ahaa xero milatari dagan yahay muddo laba sanaadood ah,waxaana suuragal ah in bambaanooyin, miinooyin iyo hub kale oo gudaha iyo daafahaba ku jira ay dadka rayidka ahi ku wax yeeloobaan marka ay garoonka usoo cayaaro doontaan”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cali Saciid Guuleed.

 

Garoonka Stadium Muqdisho oo dhismihiisa la dhameystiray 1978-kii ayaa ku yaala tuulada Isboortiga ee ugu weyn Soomaaliya waxaana dhistay dowlada shiinaha, iyadoo muddo laba sanadood ah ay daganaayeen milatariga dalka Itoobiya oo ka bixitaankooda magaalada Muqdisho soo gabagabeeyay shalay Arbacadii.

 

Garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxaa uu horay u marti geliyay tartamo caalami ah oo ay ka mid ahaayeen tartankii 18-aad ee ardayda carabta,tartanka kubada cagta ee dalalka bariga iyo bartamaha Africa, tartanka kooxaha horyaalada bariga iyo bartamaha Africa iyo kuwo kale oo fara badan.

 

Laakin tartankii ugu horeeyay waxaa uu garoonka Stadium Muqdisho ku dhex maray kadib gabagabadii dhismihiisa koox Shiinaha laga leeyahay oo la yiraahdo Leyonen iyo xulka Soomaaliya.

 

Si kastaba ha ahaatee Stadium Muqdisho oo bari ahayd mid ka mida garoomada ugu waaweyn uguna quruxda badan dalalka Carabta iyo qaarada Afrikaba waxaa maanta ka muuqanaya bur bur lixaad leh, waxaa ay u egtahay meel baadiye ah oo waa hore laga guuray waxaana ay u baahantahay dayac tir baaxad leh.

 

Somali football press department

 

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment