Xulka Soomaaliya oo dhabarka dhulka u dhigay dhigooda Tanzania.

Saturday January 03, 2009 - 18:54:10
0 Comments
5536
Shaafici Muxyidiin
Xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa maanta ka badiyay xulka dhigooda ah ee dalka Tanznia cayaar qeyb ka ahayd tartanka qaramada dalalka bariga iyo bartamaha qaarada Afrika oo haatan ka socda dalka Uganda.


Cayaarta oo ahayd mid aad u kulul laguna qabtay garoonka kubada cagta ee  Nakivube football stadium ayaa daqiiqadihii loogu talagalay waxaa ay kusoo idlaatay 1-0 oo ay guushu ku racday xulka dalka Soomaaliya.

 

Hogaamiyaha wafdiga Soomaaliya ahna guddoomiye ku xigeenka xiriirka kubada cagta Axmed Nuur xasan cabdulle ayaa u sheegay shabakada wararka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta in cayaarta kale ee ugusoo horeysa ay xulka Soomaaliya la yeelan doonaan dalka Rwanda maalinta Isniinta ah ee inasoo aadan.

 

Halka gool ee guusha ayaa waxaa xulka Soomaaliya u dhaliyay cayaaryahan ciise Abshir oo ka mida cayaartoyda laga keenay qaarada Yurub gaa rahaan dalka Norway.

 

“Cayaartodya Soomaaliya iyaga ayaa cayaarta hogaaminayay inta badan waxaana goolka keliya ee guusha dhaliyay cayaaryahay Ciuise Abshir daqiiqadii 13-aad”ayuu shabakadan u sheegay guddoomiyaha wafdiga Soomaaliya Axmed Nuur Xasan Cabdulle.

 

Tababaraha Xulka qaranka Cabdi Faarax Cali (Macalin Geela) ayaa sheegay in uu cayaartodysiisa aad ugu kalsooni qabo uuna rajeynayo guul inkastoo uu yiri cayaartu waa cad iyo madow.

 

Soomaaliya waxaa ay isniinta la cayaareysaa xulka Rwanda halka maalinta Arbadacada ahna ay la cayaari doonto xulka Dalka Martida loo yahay ee Uganda.

 

Uganda waxaa ay horay ugasoo badisay Rwanda oo 4-0 ay madaxa dhulka ugu dhigtay halka Soomaaliyana ay wadato hal guul darro oo 2-0 ah oo ay kala kulantay xulka Zanzibar

 

Garoonak Nakivube football stadium ee cayaartu ka dhacday maanta waxaa uu ku yaalaa xaafada Soomaalidu dagantahay waxaana soo cayaartii maanta usoo daawasho tagay Soomaali tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 2000 oo ruux kuwaas oo badankood ay ku labisnaayeen dhar ka sameysan calanka dalka Soomaaliya.

 

 

Somali football press department

 

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment