Barri oo khamiis ah bisha Janaayana ay tahay 1/ 2009 ayaa xulka qaranka Soomaaliyeed waxaa ay cayaarta ugu horeysa la yeelan doonaan xulka dalka Zanzibar, waxaana xulka Soomaaliya oo ay ku jiraan ku dhwaad 10 cayaaryahan oo dibada laga keeyanay ay sanadkan u muuqdaan kuwo si weyn tartankan ugu soo diyaar garoobay.
Muddo sadex bilood ah ayay xulka Soomaaliya ku tababar qaadanayeen dalka Jabuuti waana markii uu horesay ee tatabar ceynkaa ah ay xulku dalka dibadiisa ku qaataan iyadoo horaantii todobaadkana xulka Soomaaliya ganacsatada Soomaaliyeed ay jabuuti ugu sameeyeen munaasabad isugu jirtay sagootin iyo dhiiri gelin taas oo ay ahayd markii ugu horeysay oo ay ganacsatada Soomaaliyeed iyo xulka qaranku kulmaan.
Magalada Kambala waxaa kusii qul qulaya kumanaan taageerayaal Soomaaliyeed ah oo ka kala tagay dalalka Afrika qaarkood iyo yurub waxaana sanadkan la filayaa in garoomada dalka Ugadna ee cayaaruhu ka dhacayaan ay xulka Soomaaliya ku yeeshaan taageeradii ugu badneyd inta la ogyahay sababo la xariira tirada dadka Soomaaliyeed ee gaaraya
Dadweynaha Soomaaliyeed ee cayaaraha xiiseeya ayaa ugu duceynaya xulka Soomaaliya in uu Allah sanadkan kusoo guuleeyo cayaaraha adag ee ay ka qeyb galayaan iyadoo Soomaaliyana ay ku jirto Group adag.
Contact: Somalifootballmedia@gmail.com