Ganacsato Soomaaliyeed oo xalay xulka qaranka casho sharaf ugu sameeyay dalka Jabuuti.

Sunday December 28, 2008 - 21:44:38
0 Comments
2555
Shaafici Muxyidiin
Xalay ayaa waxaa magaalada Jabuuti ka dhacday munaasabad casho sharaf ah oo ay ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaa ku sugan ku sagootinayeen xulka qaranka kubada cagta dalka Soomaaliya oo u diyaar garoobaya ka qeyb galka tartanka CECAFA senior challenge cup oo ee dhawaan ka furmi doona dalka Uganda.


Munaasabada casho sharafta ah ee ka dhacday baarka weyn ee Nogoubixr restaurant ayaa ujeedada loo qabtay waxaa ay ahayd in lagu dhiiri geliyo xulka qaranka Soomaaliyeed oo hada uu ka muuqanayo diyaar garow aad u xoog badan.

 

Munaasabada casho sharafta ahayd ayaa dhinaca ganacsatada Soomaaliyeed waxaa uga qeyb galay guddoomiyaha ganacsatada Soomaaliyeed ee ku bohoobay Somali business and investment council Axmed Nuur Cali Jimcaale, guddoomiye ku xigeenka koobaad ee ganacsatada Cabdirashiid dubad, gudoomiey ku xigeen-ka labaad cabdulaahi warsame Nuur , xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Abdi Yusuf Maaheer, guddoomiyaha ganacsatada gobalka Banaadir maxamuud Cabdi Kariin gabeyre iyo xubno ay ka mid ahaayeen: Cabdi Cali Farax, Muse Ganjab oo ahaa marti sharaf ka socday Soomaaldia South Africa, Ciise Cibaar oo ah wakiil ka socday Shirkadda xawaalada Qaran Express, Cabdiraxmaan Cali Cusmaan (maleysiyo) oo wakiil ka ahaa ganacsatada Soomaaliyeed eo gobalka Minnesota iyo  Cabdul Qaadir xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo xubin ka ah ururka ganacsatada Soomaaliyeed ee Somali business and investment council.

 

Waxaa sidoo kale jiray marti sharaf kale oo ka yimid gobalada dalka Soomaaliya qaarkood kuwaas oo ay ka mid ahaayeen C/salaan Faarax Jaamac oo gobalka Sool ka socday iyo Yuusuf maxamed Diiriye oo isna ka socday gobalka Bari.

 

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa waxaa munaasbadan kaga qeyb galay guddoomiye ku xigeenka xiriirka ahna madaxa wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb galaya cayaaraha bariga iyo bartamaha Afrika Axmed Nuur Xasan cabdulle, xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ahna guddoomiyaha guddiga qaban qaabada tartanka CECAFA Senior Challenge cup Cabdi Qani Saciid Carab iyo Yaxye maxamed Abuukar oo xubin ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Abdi Yusuf Maaheer oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xulka qaranka ay kusoo dhaweynayaan munasabada casho sharafta ah ayna aad ugu rajo weyn yihiin guul in ay ka keenaan tartanka CECAFA.

 

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan arko Soomaali mid ah oo u socota tartan isboorti iyagoo huwan magaca iyo calanka Soomaaliyeed”ayuu yiri xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Abdi Yusuf Maaheer.

 

 Waxaa kaloo halkaa ka hadlay guddoomiye ku xigeenka koobaad ee ganacsatada Soomaaliyeed  Cabdirashiid Heybe dubad oo hadal qiimo badan oo uu munasabada ka jeediyay hordhac uga dhigay mahad celin gaar ahaaneed oo ku socota xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo howl qaran ka dhex wada dal bur bursan oo dagaalo ay hareeyeen.

 

“xiriirka iyo cayaartoyduba kaalintoodii wadaninimo ayay buuxiyeen waxaana taa daliil u ah in iyadoo dalku xaalad aan ognahay uu ku jiro ay hadana tartan dibada ah u socdaan si ay qaranka Soomaaliyeed u matalaan”ayuu yiri xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Cabdi rashiid Heybe Dubad.

 

“Tani waa arin taariikhi ah waxaana aad arkeysaan in sidii dad dowlad leh oo kale ay u dadaalayaan waxaana ay mudan yihiin taageero iyo dhiiri gelin”ayuu xogahayaha guud ee ganacsatadu hadalkiisa sii daba dhigay.

 

“Maanta wixii ka bilowda waxaan idin sheegeynaa in wixii awoodeena ah aanan idinka hagran dooninin oo aan idin garab taaganahay sababtoo ah waanu isu baahanahay, waxaana rajeyneynaa adinka oo guul keenay in aan mar kale is aragno”ayuu mar kale yiri xoghayaha guud ee ganacsatada Soomaaliyeed Cabdi Rashiid Heybe Dubad.


 Xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta cabdi Qani Saciid carab oo intaa kadib hadalkii qaatay ayaa ka warbixiyay taariikhda xiriirka iyo horumarka uu ku talaabsaday sanadkan sida qabashada cayaarihii gobalada, dhismaha garoonka Stadium Banaadir, tababarka xulka qaranku ay mudo sadex bilood ah ku qadanayeen dalka Jabuuti iyo arrimo kale.

 

“Tartankii aanu ku qabanay Garowe waxaa uu ahaa mid faa’iido badan dhalay sababtoo ah waxaa uu iftiin iyo daah-fur u noqday nabada iyo is dhexgalka dad muddo dheer kala maqnaa”ayuu yiri xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab.

 

Waxaa uu xoghayaha guud xusay in tan iyo bishii October ay xulka qaranku ku tababar qaadanayeen dalka Jabuuti iyadoo ay sanadkana ku jiraan cayaaryahano badan oo laga keenay dalalka galbeedka taas oo ka mida talaabooyinka loo baahnaa ee uu xiriirku sanadkan qaaday.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagtu waxaa uu sheegay in cayaartoyda qaranku ay ku shaqeeyaan iskaa wax u qabso oo aanay wax mushaarooyin ah qaadan kuwa gudaha iyo kuwa dibada ka yimidba ayna ku qanacsan yihiin in ay qarankooda difaacaan.

 

Ugu dambeyntii guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur Xasan cabdulle oo munaasabada casho sharafta ah ka hadlay ayaa uga mahad celiyay ganacsatada Soomaaliyeed talaabada dhiiri gelinta leh oo ay xulka qaranka u sameeyeen waxaana uu sheegay in taariikhdu ay xusi doonto.

 

“Waxaad niyada u dhisteen xulka qaranka waana wax la idinka filayay aad ayaana idinkaga mahadcelineynaa casho sharaftan quruxda badan aniga oo ku hadlaya magaca guddoomiye Siciid maxamuud Nuur mugaabe iyo kan guddiga fulinta xiriirka”ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Axmed Nuur.


cayaartodya laga keenay dibada sanadkan ayaa waxaa ay kala yihiin Cali Baashi iyo Axmed Cumar oo laga keenay dalka Canada, Shiine Cabdi iyo Ismaaciil Yuusuf oo laga keenay dalka Mareykanka, guuleed Ibraahim iyo Kaamil Maxamed oo laga keenay dalka Ingiriiska iyo Cabdi rashiid Cadaay iyo Ciise Aadan Abshir oo laga keenay dalka Norway.

 


Somali football press department

 

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment