Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo bah-weynta Isbooriga Soomaaliyeed uga tacsiyadeedyay geeridii ku timid Macalimiintii kubada koleyga Ibraahim Buruko iyo Cumar Anyeelo.

Saturday December 27, 2008 - 21:15:27
0 Comments
2393
Shaafici Muxyidiin
Qoraal saxaafadeed maanta kasoo baxay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray guud ahaan umada Soomaaliyeed gaar ahaana bah-weynta Isbooriga dalka oo looga tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee 26-kii bishan ku timid macalimiintii kubada koleyga Soomaaliyeed Cumar maxamed Cumar Anyeelo iyo Ibraahim Jimcaale Cabdi Buruko.


Labada khabiir Isboorti ayaa siyaabo kala duwan shilal baabuur ugu geriyooday xalay fiidkii iyo shalay gellinkii dambe kuwaas oo ka kala dhacay dalalka Ingiriiska iyo
Finland.

 

“Waxaan shacabak Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana bah-weynta Isboortiga uga tacsiyadeyneynaa geeridii naxdinta lahayd ee ku  timid marxuumiinta kala ah Ibraahim Jimcaale Cabdi Buruko iyo Cumar Maxamed Cumar Anyeelo waxaana Allah uga baryaynaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo”ayaa lagu yiri qoraal saxaafadeedka maanta kasoo baxay waaxda warfaafinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Alle ha u naxariistee Ibraahim Jimcaale cabdi oo ku magac dheeraa Buruko Waxaa uu xulka qaranka kubada koleyga Soomaaliyeed macalin u ahaa sanadihii u dhexeeyay 1983-1988-kii.

 

Sidoo kale Cumar Anyeelo ayaa loo magacaabay macalinimada xulka qaranka sanadkii 2007-dii iyadoo ilaa iyo xiligana uu ahaa macalinka koobaad ee xulka qaranka kubada koleyga Soomaaliya,waxaana mudadii uu masuuliyadaas hayay uu wax weyn kusoo kordhiyay cayaarta kubada koleyga dalka Soomaaliya.

 

 

Somali Foiotball press deoartment

 

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment