Kooxda AC Milan oo guul-darro ku bilowday Horyaalka Talyaaniga.

Monday September 01, 2008 - 13:50:34
0 Comments
7787
Shaafici Muxyidiin
..iyo Natiijooyinka guud ee Seria A-da.!!

Kooxda Bologna ee wadanka Talyaaniga ayaa galabta ku tumatay dhigeeda AC Milan, kaddib markii 2-1 ay uga adkaadeen ciyaartii furitaanka ee horyaalka Talyaaniga, waxaana kulankaas oo aad u xiisa bandaa oo ka dhacay garoonka San Siro ee kooxda Milan daawanayay Ra’iisul Wasaaraha wadanka Talyaaniga, isla markaana ah milkiilaha kooxda Milan oo muddo dhowr daqiiqo ah ka kici waayay kursigii uu garoonka ka fadhiya, wuxuuna aad uga xumaday in kooxda oo ku hubeysan Laacibiinteeda cusub ee Ronaldinho, SHevchanko iyo Flammini ay badin waaysan kulanka furitaanka ah ee horyaalka.

Laakiin ciyaartii ugu adkeyd ee furitaanka horyaalka Talyaaniga waxay dhexmartay kooxaha Fiorentina Vs Juventus, waxaana ciyaartaas ku soo dhamaatay 1-1, iyadoo ciyaarta oo ka dhiman tahay 1-daqiiqo uu ciyaaryahan A. Gilardino  uu kooxdiisa Fiorentina u dhaliyay gool bar bar dhac ah, kaas oo kansalay gool daqiiqadoo 39-aad ee qeybtii hore ee ciyaarta uu khabiirka wadanka Jamhuuriyadda Czech P. Nedved  uu kooxdaiisa Juventus u dhaliyay,  dhinaca kale tababaraha kooxda Inter Milan Jose Mourinho ayaa ku fashilmay inuu guul ka gaaro kulankiisii ugu horeeyay ee horyaalka Talyaaniga, kaddib markii kooxda Sampdoria ay bar bar dhac 1-1  ku celisay, waxaan guud ahaan todobaadkan kooxuhu isku hertiyeen sidan. 

Udinese Vs Palermo 3-1

9’, 34’ A.D. Natale, 69’ M. Bresciano70’ G. Inler

Sampdoria Vs Inter Milan 1-1

33’ Z. Ibrahimovic68’ G. Delvecchio

AC Milan Vs Bologna 1-2

18’ M.D. Vaio, 41’ M. Ambrosini, 79’ F. Valiani

AS Roma Vs Napoli 1-1

29’ A. Aquilani, 54’ F. Santacroce (Roose(, 55’ M. Hamsik.

Atalanta Vs Siena 1-0

15’ S. Padoin, 86’ M. Maccarone (Roose)

Cagliari Vs Lazio 1-4

31’ J. Larrivey, 61’ D.L.B. Lopez (Roose), 62’ M. Zárate (roose),71’ M. Zárate, 75’ P. Foggia, 84’ G. Pandev.

Catania Vs Genoa 1-0

 61’ G. Mascara

Chievo Vs Reggina 2-1

72’ B. Corradi (Rigoore), 76’ M. Marcolini (Rigoore), 88’ V. Italiano, 90’ A. Langella (Roose)

Torino Vs Lecce 3-0

29’ A. Rosina (Rigoore), 33’ P. Zanetti, 74’ R. Bianchi

Fiorentina Vs Juventus 1-0

39’ P. Nedved, 89’ A. Gilardino.



Leave a comment