Garsoorayaasha kubada cagta Soomaaliya oo seminaar loo soo xiray maanta.

Thursday December 25, 2008 - 21:13:55
0 Comments
2191
Shaafici Muxyidiin
Seminaar Soconayay Muddo Sedex maalmood ah ayna ka qeyb galeen 27 ka tirsan garsoorayaasha kubada cagta Soomaaliya ee heerka koobaad ayaa maanta lagusoo gabagabeeyay Hotelka Jeddah ee magaalada Muqdisho.


Seminaarkaan oo ay ka qeybgaleen Garsoorayaasha Heer Caalami iyo Heer Qaran ayaa waxaa uu si rasmi ah halkaasi uga furmay maalintii talaadada ee la soo dhaafay waxaana ujeedada loo qabtay ay ahayd in kor loogu qaado Aqoonta Garsoorayaasha  kubada Cagta ee dalkeena Soomaaliya .

Seminaarkaasi oo Dib loogu eegaayay  sharciyadda Garsoorka ayaa waxaa ka qeyb qaatay  27 garsoore iyadoo ay Casharo ka bixinaayeen macalimiin ku takhasusay sharciga kubadda Cagta horayna u ahaan jiray Garsoorayaal caalimi ah ee dalkeena soomaaliya,waxaana ay kala yihiin: Xasan maxamed maxamuud {xasan farey}Aweys Axmed jimcaale iyo  Xasan shaylilah Cadde

Gaba gabadii seminaarka ayaa waxaa khudbad ka jeediyay guddoomiyaha kubada cagta Soomaaliya Saciid maxamuud Nuur Mugaabe waxaana uu sheegay in talaabadani ay qeyb ka ahayd dhaq dhaqaaqyo uu xiriirku maalmahanba waday oo looga gol leeyahay horumarinta kubada cagta dalka Soomaaliya.

Waxaa uu guddoomiyuhu balan qaaday in seminaarka kan xiga loo qaban doono wariye yaasha kubada cagta ka faalooda ee dalka Soomaaliya kaas oo isla todobaadka dambe bilaaban doona.

Gudoomiye ku xigeenka koobaad ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Siciid Guuleed ayaa isna gabagabadii seminaarkan ka sheegay in xiriirka ay ka go’antahay wax qabadkiisa in uu balaariyo si guul looga gaaro hadafka xiriirka ee ah in dib loosoo celiyo heybadii iyo sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd cayaarta kubada cagta caalamka oo dhan.

Inataa kadib ayaa isna waxaa halkaasi ka hadlay una mahad celiyay talaabooyinka uu ku dhaqaaqay Xiriirka soomaaliyeed ee Kubada Cagta Gudoomiya kuxigeenka Goss {Aadan Xaaji Yabarow Wiish} isagoona mahad gaar ah u siiyay Raga hormuudka ka ah xiriirka soomaaliyeed ee kubada cagta,iaydoo kadibna uu ku simaha GOS Mudane Wiish soo gabagabeeyay seminarkii sedxda maalmood soconayay.

Masuuliyiintii kale ee khudbadaha ka jeediyay munaasabadii xiritaanka waxaa ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka GOS ee arrimaha xiriirada xaaji Cabdi Cilmi warsame iyo Yuusuf Gacal oo xubin ka ah xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Somali Football press Department

 

Contact: Somalifootbalmedia@gmail.com



Leave a comment