Xulka Qaranka oo dhigooda Jabuuti 3-2 kaga badiyay cayaar saaxiibtinimo.

Wednesday December 24, 2008 - 09:09:11
0 Comments
2400
Shaafici Muxyidiin
Shalay ayaa xulalka dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti waxaa ay cayaar saaxiibtinimo ku yeesheen magaalada Jabuuti waxaana cayaartaas oo ahayd mid aad u xiisa badan ay kusoo dhamaatay daqiiqadihii loogu tala galay 3-2 oo ay guushu ku raacday xulka qqaranka Soomaaliyeed.


Daawashada cayaarta waxaa ka qeyb galay masuuliyiinta xiriirka kubada cagta Soomaaliya ee kala ah ku xigeenka guddoomiyaha ahna madaxa wafdiga Soomaaliya Axmed Nuur Xasn Cabdulle iyo xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Cabdi Qani Saciid carab.

 

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa ku dhamaatay 1-0 oo ay Soomaaliya halka lahayd hase ahaatee markii qeybtii dameb la isusoo laabtay ayaa labada xulba ay lasoo bexeen dar dar xoogan waxaase ay ugu dambeyntii cayaartu kusoo idlaatay 3-2 oo ay xulka qaranka Soomaaliyeed ku badiyeen.

 

Sadexda gool waxaa xulka Soomaaliya u kala dhaliyay cayaaryahanada kala ah Ciise Midnimo, Cali baashi iyo Ismaaciil Yuusuf oo dhamaantoodba ka tirsan cayaaryahadanii laga keenay dibadaha oo ay sanadahan dambeba ku maqnaayeen.

 

Qaar ka mida dadka Soomaaliyeed ee ku sugan Jabuuti oo cayaartaas daawanayay ayaa sheegay in xulka Soomaaliya uu ka muuqday diyaar garow aad u xoog badan oo ay u galeen ka qeyb galka cayaaraha qaramada ee dalalka bariga iyo bartamaha Africa oo dhamaadka sanadkan dalka Uganda ka bilaaban doona.

 

 

Somali Football press Department

 

Contact: Somalifootbalmedia@gmail.com



Leave a comment