Guddiga garsoorayaasha kubada cagta oo shalay kulan ay Muqdisho ku yeesheen kaga hadlay arrimo fara badan.

Monday December 15, 2008 - 17:08:39
0 Comments
2246
Shaafici Muxyidiin
Xarunta guddiga Olomikada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka dhacay kulankii caadiga ahaa ee guddiga garsoorayaasha kubada cagta Soomaaliyeed waxaana kulankaa shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga garsoore sare Aweys Axmed Jimcaale.


Kulankan ayaa lagu falan qeeyay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen wax qabadkii garsoorayaasha kubada cagta Soomaaliyeed ee sanadkan sii dhamaanaya,udiryaar garowga howlaha baaxada leh ee horyaala sanadka soo socda,helitaanka kaarar lagu aqoonsanayo in ay garooreyaashu u diiwaan gashan yihiin xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta iyo seminar dhawaan loo qaban doono garsoorayaasha kubada cagta Soomaaliya.

  

Guddoomiyaha guddiga garoorayaasha kubada cagta Soomaaliyeed Awesy Axmed Jimcaale oo markii uu kulankoodu soo dhamaaday kadib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in garoorayaashu ay muddo dheer kusoo shaqeynayeen si mutadawacnimo ah hadana ay balan qaadeen dalkooda in ay u adeegaan siina laba jibaaraan howlaha baaxada leh ee ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.

  

“Guddiga garsoorku waxaa uu ku guuleystay qeyb ka mida cayaaraha 18-aad ee kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya hadana waxaa u dhiman in ay qabtaan garoorayaashu wareegyada loo qabanayo zone 4 iyo zone two oo dhawaan nagusoo fool leh”ayuu yiri guddoomiyaha guddiga garsoorayaasha kubada cagta Soomaaliyeed Aweys Axmed Jimcaale oo kulankooda kadib hadlayay.

  

Waxaa uu guddoomiyuhu intaa ku daray in kulankooda ay ku jirtay soo jeedin ku aadan in loo sameeyo garsoorayaasha kaarar aqoonsi ah si ay jeebabka ugu wataan uguna moodaan meelaha ay xanibaaduhu ka jiraan xiliyada qaar oo ay shaqo leeyihiin taas oo isla shalayba loo gudibiyay guddoomiyaha xiriirka kubada cagta Soomaaliyeed Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe uuna ogolaaday in si dhaqso ah kaararkaas loo sameeyo.

  

Waxaa kaloo uu sheegay guddoomiyuhu in garsoorayaashu ay qaadan doonaan seminaar lagu barayo waxyaabaha kusoo kordhay shuruucda kubada cagta aduunka kaas oo socon doona 23-25-ka bishan aanu ku jirnbo.

  

Waxaa sidoo kale kulankii shalay lagu go’aamiyay in garooreyaashu ay qaataan tababar joogto ah oo subax kasta marka jimcaha laga reebo lagu qaadanayo garoonka Stadium Banaadir saacadu marka ay tahay 06:00-0730 subaxnimo.

 

Somali Football Press Department.

 

Contact: Somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment