FIFA oo soo bandhigtay buug ka hadlaya taariikhda kubada cagta Afrika.

Monday December 08, 2008 - 22:44:19
0 Comments
3199
Shaafici Muxyidiin
Ururka ugu sarreeya maamulka Kubada cagta aduunka ee FIFA ayaa soo bandhigay buug ka hadlaya taariikhda kubada cagta qaarada Afrika,waxaana buugaas lagusoo bandhigay shir jaraa’id oo maanta ka dhacay magaalada Paris,sida uu webka www.somsoccer.com kasoo xigtay shabakada wararka rasmiga ah ee FIFA.


FIFA iyo xarunta daabacaadda ee la yiraahdo “E/P/A publishing house” ayaa maanta oo Isniin ah bisha Demeberna ay tahay 8 waxaa ay buugan kusoo bandhigeen shir jaraa’d oo ay ku qabteen  madxafka weyn ee  la yiraahdo Dapper ee magaalada Paris.

Munaasabada soo bandhigista buugan waxaa kasoo qeyb galay qoraa yaal sar sare oo ay ka mid yihiin Paul Dietschy iyo David-Claude Kemo-Keimbou, iyo waliba cayaaryahankii hore ee caalamiga ahaa una dhashay dalka Ghana Abedi Pele.

Buugan oo cinwaankiisu yahay “Le Football et l'Afrique” waxaa lagu tilmaamay in uu yahay shaqo muhiim ah oo loo baahnaa lagana qabtay taariikhda kubada cagta qaarada Afrika.

Muhiimada ka dambeysa daabicida buugan ayaa waxaa ay tahay in la helo taariikh kubda cagta qaarada Afrika ah oo meel ku keydsan taas oo la sheegay wixii ka horeeyay daabicida buugan in ay ahayd mid meelo kala duwan ku firirsanayd.

Buugan oo hada lagu daabacay luqada Faransiiska oo keliya ayaa la sheegay in daabacadiisa luqada Ingiriiskuna ay soo bixi doonto horaanta sanadka inasoo aadan ee 2009-ka.

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment