Ururka saxafiyiinta Isboortiga Ciraaq oo cambaareeyay dilkii loo geystay wariye Isboorti.

Monday December 08, 2008 - 22:29:17
0 Comments
2033
Shaafici Muxyidiin
Rabshadaha iyo cadaawada ka dhanka ah fikirka xorta ah iyo saxaafada madaxa banaan ayaa kusii badanaya dalka Ciraaq oo todobaadkan lagu dilay saxafi si aad ah ugu caan ahaa qormooyinka isbooriga.


Mahdi Majid Alskr, oo tifaftire ka ahaa wargeyska caanka ah ee lagu magacaabo Al-Venkorp  waxaa uu ahaa nin si aad ah ugu taqasusay arrimaha isboortiga waxaana isbitaalka la dhigay maalintii Isniintii todobaadkii hore isagoo ka cabanayay dhaawacyo halis ah oo soo gaaray.

 

Alle ha u naxariistee wariye Alskr waxaa dhawac halis ahi uu kasoo gaaray qarax bambaano oo wadada dacalkeeda lagu aasay xili uu marayay degmada Zayouna  ee magaalada Baqdaad halkaas oo ay xarunta wargeysku ku taalo.

 

Alskr waaa uu lasoo shaqeeyay wargeysyo kale oo kasoo baxa dalka Ciraaq oo arrimaha isboortiga uun uu ku  qorji jiray ka hor intii aan la aas aasin wargeyska Al Venkorp oo uu xiligan tifaftire ka ahaa.

 

Alskr,waaa uu inta badan wax ka qori jiray cayaaraha kala ah Baseball, sofball, rugby, inkastoo uu cayaaraha kalana qori jiray.

 

Dhacdadan waxaa si daran u dhaleeceeyay ururka saxafiyiinta isboortiga dalka Ciraaq iyo midowga saxafiyiinta dalka ciraaq labadaba.

 

In badan oo ka mida wargeysyada isboorti ee dalka ciraaq kasoo baxa ayaa shaqadii joojiyay iyadoo sidoo kalana wargeysyada kale ay joojiyeen daabacaadii wararka isboortiga taas oo loogu baroor diiqayo geeridii ku timid wariyahan caanka ku ahaa arrimaha isboortiga.

 

BY: Abed-Alhakim Amer

Source AIPS

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment