Laakin Khabiirku waxaa uu ugu horeyn shirkiisa jaraa’id ku sheegay in ka hor intii aaaney cayaarahaasi bilaaban ay seminaar ku qabteen Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo seminaarkaasna loo qabtay 72 xubnood oo ka kala socday Maamulka Isboortiga 5 gobol oo ka tirsan Puntland iyo Garsoorayaal ka socday isla 5-taasi gobal.
“Seminaarradaas oo bilowday 2-dii November 2008 wuxuu soo gebageboobay 11-kii November 2008, markii ay Seminaarrada soo gebageboobeenna waxaan la siiyay Garsoorayaasha iyo Maamulka Isboortiga Puntland qalab dhameystiran oo Isboorti”ayuu yiri Aweys Maxamed Jimcaale.
“20-kii November 2008 ayaa waxaa si rasmi ah u bilowday Tartanka Is-reeb reebka Ciyaaraha Kubadda Cagta Gobollada Dalka Soomaaliya waeeergiisa 2-aad, waxaana qabannay 9 kulan oo ay ku tartamayeen gobol oo ka tirsan Puntland, waxaana tartankaas ciyaartii ugu dambeysay isugu soo haray Gobollada Bari iyo Nugaal oo uu Gobolka Bari ku adkaaday 2-0”ayuu intaas ku sii daray Aweys Maxamed Jimcaale oo sheegay in tartankii lagu soo gebagebeeyay Garowe ay ka soo baxeen labo ciyaaryahan oo ka kala socda Gobollada Sool iyo Bari, kuwaasi oo lagu daray Xulka Qaranka Soomaaliya.
“Labadaas Ciyaaryahan oo lagu kala magacaabo C/salaan Faarax Jaamac wuxuu ka socdaa Sool, wuxuuna ka ciyaaraa Difaaca, Yuusuf Maxamed Diiriye oo Bari ka socdana wuxuu ka ciyaaraa Baalka midigta ah, waana labo ciyaaryahan oo muhiim u ah Xulka Qaranka Soomaaliyeed”ayuu mar kale yiri Aweys Maxamed Jimcaale oo ka mid ah khabiirrada xaga garsoorka ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Aweys Maxamed Jimcaale waxaa uu intaas ku daray in tartankaas oo ahaa mid xiiso badan lagu dhaliyay 57 gool, sidoo kalena lagu bixiyay 29 Kaarka Jaallaha ah (Yellow Card) iyo 7 Kaar oo cas ( Red Card).
Aweys waxaa uu u mahadceliyay shirkadda isgaarsiinta caalamiga ah ee NATION LINK TELECOM oo maalgelisay cayaarahaasi walina u diyaar ah in ay gacan weyn ka geysato meel marinta cayaarahan inta ka harsan oo dhawaan la qaban doono.
Ugu dambeyntii waxaa uu Aweys u mahad celiyay Maamulka Puntland guud ahaan, gaar ahaan midka Isboortiga oo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta la suurtageliyay in uu tartankaas qabsoomo iyo Shacabka Puntland oo iyana si weyn uga qeybgelay tartankaas.
Somali football press department
Contact:somalifootballmedia@gmail.com