Kulan loogu duceynayo marxuum Faarax Sendiko oo ka dhici doona magaalada London.

Monday December 01, 2008 - 10:00:53
1 Comments
2354
Shaafici Muxyidiin
Magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska ayaa waxaa ka soconeysa qaban qaabada kulan balaaran oo loogu duceyn doono guddoomiyihii hore ee kubada cagta Soomaaliya Marxuum Faarax Wehliye cadow Sendiko oo 19-kii bishii tagtay ee November ku geeriyooday dalka Masar.

 

Kulankaas loogu duceynayo guddoomiyihii hore ee kubada cagta iyo guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa waxaa uu ka dhici doonaa 7-da bishan magaalada London gaar ahaana dhismaha la yiraahdo Acton Vale community center off beach Avenue abaara 3:00 galabnimo saacada GMT.

 

Qaban qaabiye yaasha kulankan ducada ah ayaa waxaa ka mida Cabdul Qaadir Biriq, Maxamed Cali Weerow iyo rag kale,waxaana la rajeynayaa in dadweyne aad u farabadan oo ehel u ah isboortigu ay kulankaa ducada ah kasoo qeyb galaan.

 

Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Axmed Nuur Cabdulle ayaa lagu wadaa in kulankaasi ducada ah uu ka qeyb galo sida qorshuhu yahay.

 

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment