Cayaartoy lagasoo xulay tartankii gobalada ee lagusoo gabagabeeyay Garowe oo xulka qaranka kusoo biiray.

Monday December 01, 2008 - 09:38:05
1 Comments
7605
Shaafici Muxyidiin
Guddiga farsamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa shaaca ka qaaday in laba cayaaryahan oo ka mid ahaa cayaaryahanadii ka qeyb galay tartarnkii 18-aad ee gobalada wareegiisii shalay lagusoo gaba-gabeeyay magaalada Garowe si rasmi ah loogu soo biiriyay xulka qaranka Soomaaliya.

 

Labadan cayaaryahan ayaa kala ah Yuusuf Maxamed Diiriye oo laga qaatay gobalka Bari iyo Cabdi Salaan Faarax Jaamac oo lagasoo qaatay gobalka Sool,waxaana guddiga farsamadu uu sheegay in labadaas cayaaryahan ay farsamo ahaan iyo caafimaad ahaanba aad u dhisan yihiin loona arkay in ay u qalmaan xulka qaranka Soomaaliyeed in ay ku biiraan iyagoona ka mid noqon doona cayaartoyda Soomaaliya ku mataleysa tartanka CEAFA Challenge cup ee dabayaaqada bishan ka dhici doona dalka Uganda.

 

Waxaa sidoo kale guddiga farsamadu uu sheegay in ay jiraan 3 cayaaryahan oo iyagana lasoo xulay laakin u baahan in ay tababar sii qaataan ugu yaraan laba bilood oo hada naga dhiman si kadib ay qaranka toos ugu biiraan.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid Carab ayaa waaxda warfaafinta xiriirka u sheegay in u jeedooyinkii tartanka gobalada loo qabtay ay ka mid ahayd in la xulo cayaaryahano lagu biiriyo xulka qaranka Soomaaliya,guushaasna hadaba la gaaray.

 

Labada cayaaryahan ee xulka lagusoo biiriyay ayaa isla maantaba usoo dhaqaaqay dhanka magaalada Gaalkacyo iyagoo la socda wafdiga xiriirka ee dhawaanahanba ku sugnaa Garowe unasoo gudbi doona magaalada Muqdisho.

 

Xoghayaha guud ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya Waxaa uu sheegay in cayaaryahandana labada ah ay usii gudbi doonaan magaalada Jabuuti ka gadaal marka ay Muqdisho yimaadaan si ay tababar ulasii qaataan xulka qaranka oo labadii bilood ee lasoo dhaafay ku tababar qaadanayay dalka Jabuuti.

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment