Xulka Gobalka Bari oo galabta dharbarka dhulka u dhigay dhigooda gobalka Nugaal cayaartii finalka ee wareega 2-aad cayaaraha 18-aad ee dalka.

Sunday November 30, 2008 - 21:05:41
4 Comments
8406
Shaafici Muxyidiin
Galabta ayaa garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe waxaa ka dhacday cayaar final u ahayd wareega labaad ee cayaaraha 18-aad ee kubada cagta gobalada Soomaaliya waxaana cayaartii galabta isku haleelay gobalada bari iyo Nugaal oo kaalinta koobaad u tartamayay.

 

Daawashada cayaarta ayaa dadkii kasoo qeyb galay waxaa lagu qiyaasay in ka badan 5000 oo ruux oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin sar sare oo ka mida maamul gobaledka Puntland iyo kuwo haatan usharaxan xilka madaxweyne nimada maamulkaasi.

 

Masuuliyiinta caanka ah ee aanu xusi karno waaa ka mid ahaa xasan Abshir Faarax (Murashax) Aadan Maxamed ciise Gaadaale (Murashax), Xasan Cusmaan Aloore wasiirka macdanta maamulka Puntland iyo Cabdul Qaadir Cusmaan samatar Food Cadde oo isna ah duqa magaalada Garowe ee xarunta maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

 

Qeybtii hore ee caaarta ayaa kusoo idlaatay bar bar dhac 0-0 ah,hase ahaatee markii la isu soo laabtay qeybtii dambe ayaa xulka gobalka Bari waxaa ay lasoo if bexeen farsamo iyo dar dar aad u xoogan taas oo u suura gelisay xulka gobalka Bari in ay gaaraan guul ah 2-0,iyadoo maanta xulka gobalka Bari uu xaqiiqsaday kaalinta koobaad halka xulka gobalka Nugaalna uu galay kaalinta 2-aad.

 

Markii ay cayaru dhamaatay kadib ayaa madaxdii usoo daawasho tagtay garoonku waxaa ay mid mid u gacan qaadeen xulalka labada gobal iyo garsooreyaashii cayaaraha dhex dhexaadinayay intii ay socdeen iyagoo garsoorka ku amaanay aqoonta iyo waaya aragnimada ay muujiyeen intii cayaaruhu socdeen.

 

Waxaa ay sidoo kale masuuliyiintu u mahadceliyeen xulka gobalka Bari oo kaalinta koobaad xaqiiqsaday iyo xulka gobalka Nugaal oo isna kaalinta labaad maanta galay,iyadoo ugu dambeyntiina ay masuuliyiintu mahadcelin aan lasoo koobi Karin usoo jeediyeen xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo isku howlay meel marinta tartankan gobalada dalka Soomaaliya kaas oo bilowgiisii uu madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac madaxda xiriirka ka codsaday in ay joogteeyaan tartamada noocan oo kale ah oo is dhex galka bulshada iyo nabadeynta gacan weyn ka geysanaya.

 

“Xiriirka kubada cagta waxaa uu qaaday talaabo taariikhi ah oo geesinimo leh

taas oo horseed u noqotay tartankan quruxda badan ee maanta inoo dhamaaday”sidaasi waxaa gabagabadii tartatnka sheegay duqa magaalada Garowe Cabdul Qaadir Cusmaan samatar Food Cadde.oo isaga iyo masuuliyiinta kalaba ay sheegeen in ay hada wixii ka dambeeya gacan weyn ku siinayaan xiriirka kubada cagta Soomaaliya dhaq dhaqaaqyada xaga horumarinta kubada cagta ah ee uu wado.

 

“Waa talaabo kalsooni gelin karta bulshada Soomaaliyeed oo u iftiimineysa in aanay dadka Soomaalidu is nicin meel kasta oo dalka ka mid ahna la isugu tagi karo”sidaasina waxaa yiri Xasan Abshir faarax oo xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka Soomaaliya soo maray..

 

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Cabdi Qani Saciid carab oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in tartanku uu kusoo dhamaaday si guul leh waxaana uu u mahadceliyay xulalkii kasoo qeyb galay oo uu sheegay in abaabulkooda , farsamadooda iyo asluubtooduba ay aad u sareeyeen.

 

Xohayuhu waxa uu aad ugu mahadceliyay maamulka Puntland oo dhinaca amaanka aad u adkeeyay iyo waliba shirkadda isgaarsiinta caalamiga ah ee Nation Link oo ah fududeeyaha tartartanka 18-aad ee kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya.

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment