Injineer Cabdi Salaan maxamed Maxamuud oo hogaaminaya injineerada dhismaha wada ayaa sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay dhismaha garoonku in uu soo idlaado ugu dambeyn bisha March ee sanadka 2009-ka.
“Hada waxaan
Howsha dib u dhiska garoonkan ayaa waxaa la bilaabay dabayaaqadii bishii July ee sanadkan,waxaana ay tahay markii ugu horeysay ee garoonkani uu helo dib u dayctir tan iyo horaantii 80-meeyadii,kadib markii ay Soomaaliya sanadkan ku guueysatay mahsruuca ay FIFA maal geliso ee afka English-ka lagu yiraahdo “Win in Africa with Africa artificial football truf” kaas oo ay Soomaaliya noqotay dalkii ugu dambeeyay ee hela.
Stadium Banaadir oo la dhisay sanadku markuu ahaa 1956-kii waxaa ay ahayd garoonkii ugu horeeyay ee heer caalami ah oo laga dhiso dalka Soomaaliya abid.
“Waxaan ka mid ahaa cayaaryahanadii ugu horeeyay ee garoonkan cayaar kubada cagta ah kusoo bandhiga markii uu dhismihiisu dhamaaday 1956-kii,waxaana aad ugu sii faraxsanaan lahaa in aan arko isagoo la dayac tiray”sidaasi waxaa yiri cabdulaahi Yuusuf Cali Baaskuwaale oo hada ku jira sanadihiisii 70-meeyada.
Somali football press department
Contact:somalifootballmedia@gmail.com