Xulka gobalka Nugaal oo galabta guuldarro 5-1 ah ku sagootiyay xulka dhigooda ah ee gobalka Mududg.

Saturday November 29, 2008 - 20:00:32
9 Comments
9607
Shaafici Muxyidiin
Waxaa heer gabo gabo ah maraya tartanka kubada cagta 18-aad ee gobalada dalka Soomaaliya oo qeyb ahaan iminka ka soconaya magaalada garowe ee xarunta maamul gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland waxaana tartanka oo semifinalkiisu soconayo galabta la macsalaameeyay xulka gobalka Mudug oo sidaa ku haray.

 

Cayaar aad u kululayd oo ka saacado ka hor bilowgeeda garoonku uu buux dhaafay ayaa waxaa ay galabta garoonka Mire Awaare jaamac ee magaalada Garowe ku dhex martay xulalka gobalada Nugaal iyo Mudug,waxaana ay cayaartaasi oo ahayd mid aad u xamaasad  badan gaar ahaana taageerayaasha gobalka Mudug oo ku yimid gawaarida waaweyn ee waaraadyada loo yaqaano oo gaarayaya ilaa iyo 5 gaari.

 

Qeybtii hore ee cayaarta ayaa kusoo dhamaatay 2-0 oo ay labada lahaayeen cayaaryahanada gobalka Nugaal,iyadoo markii qeybtii dambe la isusoo laabtay labada xul mid waliba uu ku dadaalayay in uu guusha la hoyaado caawa laakin waxaa ay ugu dambeyntii cayaartu kusoo idlaatay 5-1 oo ay guushu ku raacday xulka gobalka Nugaal ee martida loo ahaa.

 

Sida qorshuhu yahay barri oo Axad  ah ayaa waxaa cayaarta Finalka isku arki doona xulalka gobalada Bari iyo Nugaal,sida uu shaaca ka qaday xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane cabdi Qani Saciid Carab oo caawa u warramayay waaxda war faafinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

 

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment