Wiish” Xiriirrada kale waxaan ugu baaqayaa in Kubada cagta oo kale ay dhaqaaq weyn sameeyaan”

Saturday November 29, 2008 - 18:34:37
0 Comments
2345
Shaafici Muxyidiin
Ku simaha guddoomiyaha guddiga Olombikada Soomaaliyeed Aadan Xaaji yabarow (Wiish) ayaa ku amaanay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta talaabada horumarka leh ee uu horay u qaaday waxaana uu ku guubaabiyay xiriirada qaran ee kale ee hoos yimaada GOS in ay maseyraan oo ku daydaan xiriirka kubada cagta.

 

“Xiriirada kale waxaan ugu baaqayaa in Kubada cagta oo kale ay dhaqaaq weyn sameeyaan oo wax qabadkooda ka talaabiyaan Muqdisho”ayuu yiri ku simaha guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow (wish) oo maanta khudbad dheer ka jeediyay munaasabad lagusoo bandhigayay wax qabadka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo ay ka mid tahay in uu sanadkan xiriirku hawada geliyay website Casri ah oo laba luqadle ah Somali-English.

 

Waxaa uu Wiish soo hadal qaaday tartanka gobalada ee haatan ka soconaya magaalada garowe oo uu sheegay in uu yahay talaabo muuqata oo dhanka horumarka uu xiriirku u qaaday isagoo sidoo kalana xusay ka qeyb galka taramada dibada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 

Dhinaca kale waxaa uu ku simaha guddoomiyaha GOS ugu baaqay bah weynta war baahinta Soomaaliyeed in ay ka run sheegaan dhacdooyinka isbooriga islamarkaana ay wararkooda ku saleeyaan cadaaladda iyo dhowrista anshaxa saxaafada ee caalamiga ah.

 

 

Si aad ula socoto dhaq dhaqaaqyada joogtada ah ee kubada cagta Booqo website-ka laba luqadlaha ah ee xiriirka kubada cagta Soomaaliya www.somsoccer.com ama wixi talo iyo tusaale ah kala xariir : somalifootballmedia@gmail.com

 

 



Leave a comment