Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo maanta qabtay munaasabad lagusoo bandhigayay wax qabadka xiriirka ee sanadkan.

Saturday November 29, 2008 - 13:08:39
1 Comments
2187
Shaafici Muxyidiin
Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay oo lagu maamuusayay soo andhigitaanka wax qabadka xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta sanadka 2008-da ayaa waxaa maanta lagu qabtay xarunta guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho,wax qabadkaas oo ay ka mid tahay in xiriirku uu sanadkan hawada geliyay website casri ah oo laba luqadle ah.

 

 

Munaasabadan oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan madaxda xiriirada kala duwan ee hoos yimaada guddiga olombikada Soomaaliyeed,marti sharaf  iyo bah weynta saxaafada ee gduaha iyo dibada ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Mudane Siciid Maxamuud Nuur Mugaabe oo si faafaahsan uga war bixiyay wax qabadka xiriirka ee sanadkan 2008-da oo uu xiriirku qabanayo qeyb ka mida cayaaraha 18-aad ee kubada cagta gobalada dalka Soomaaliya.

 

Waxaa guddoomiyuhu uu mahad celin gaar ahaaneed u jeediyay shirkadda isgaarsiinta casriga ah ee Nation link telecom oo tartankan gacan hagar la’aaneed ka gesaneysa.

 

War saxaafadeedkii guddoomiye siciid uu maanta kaga hadlay wax qabadka xiriirka ee sanadkan ayaan ayaa u qornaa sidan:

 

WAR SAXAAFADEED KU SAABSAN WAX QABADKA X.S.K.CAGTA

 

Ugu horeyntii waxaan halakan uga mahad celinayaa anigoo ku hadlaya magaca  Xiriirka Soomaaliyeed ee .Kubadda.Cagta waxaan marka hore u mahadcelinayaa dhamaan bahda saxaafada kala duwan ee soomaaliyeed oo isugu jira TV-yada, Radiyayaasha, wakaaladaha  iyo  websiteyada anigoo uga madah celinaaya hawsha hagar la’aanta ee ay la qabtaan X.S.K.Cagta anagoo rumeysan saxaafada la’aanteed in hawlaheena aysan ka war qab caalami ah lahaadeen. 

 

Inataa kadib mudanayaal waxaa sharaf noo ah maanta   inaad nagala soo qeybgashaan munaasabadan oo aan ku soo bandhigi doono labo qodob oo muhiima kuwaasoo kala ah:

 

Waxqabadka X.S.K.Cagta sanadka 2008

 

Website ka cusub ee Xiriirka www.somsoccer,com

 

Mudanayaal anigoo soo koobay axqabadka xiriirka sanadka 2008 ayaan waxaan ku hormareynaa

 

GUDAHA

 

Bishii maarso ee sanadkan 2008-da waxaa si rasmi ah loo bilaabay tartankii 18-aad ee k/cagta gobolada soomaaliya is reeb reeb kiisa 1-aad oo ka furmay magaalda Jawhar ayna ka qeybgaleen gobolada SH/DHEXE, HIIRAAN & G/GADUUD waxaana wareega 2-aad u soo gudbay gobolada SH/Dhexe iyo Hiiraan.

Bishii July Dhamaad keedii waxaa si rasmi loo bilaabay Dayactirka garoonka Benaadir ayaddoo furitaanka  dhagaxdhigana ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin sarsare ee dawlada ku meel gaarka ah iyo GOS maantana Allah mahadii waxaa uu dhismaha garoonku marayaa meel fiican waxaana uga mahadcelineynaa FIFA oo gacan weyn naga siisay dayactirkan muhiimka ah dayactirka kadibna sida qorshaha yahay garoonka qeybta cayaarta la saari doono caws arti ficial ah ( artificial truf) insha allaah .

 

Bisha November  waxaa seminaar maamulka iyo Garsoorka kubada cagta ah lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug iyadoo ay ka soo qeybgaleen 5 gobol MUDUG, NUGAAL, SOOL SANAAG & BARI iyadoo ujeedada seminaarku aheyd horumarinta gobolada dhinaca aqoonta ayagoo goboladu aysan mudo dheer gaarin horumarinta k/cagta isla bisha november 20 keedii waxaa si rasmi ah loo bilaabay is reeb reeb kii tartanka zone 4 ee qeybta Puntland iyadoo ay ka soo qeybgaleen gobolada  MUDUG NUGAAL SOOL, SANAAG,Karkaar & BARI isagoo tartankuna uu hada gabogabo marayo halkaasna ay ka soo bixi doonaan labo gobol cayaartoyda ugu wanaagsana uu xiriirku ka qeybgalin doono tartanka CECAFA oo la qaban doono December 2008

 

DIBADDA

 

Feberaayo waxaa xiriirku ka qeybgalay congresskii CAF iyo furitaankii African cup of Nations oo lagu qabtay Ghana – accra. Bishii April waxaa xiriirku ka qeybgalay tartankii CAF U-20 & U-17 oo aan la cayaarnay wadamada NIGER oo naga badisay kadib markii ay keeneen cayaartoy da’dii loogu talagalay ka weyn iyo KENYA oo aan ka badinay wadan koodana aan barbaro ku galanay laakin rigoorayaalna aan ku harnay

Bishii May ee sanadkan xiriirku waxaa uu ka qeybgalay congresskii FIFA oo lagu qabtay Austarlia – Sydney. Bishii June ee isla sanadkan waxaa uu xiriirku diray kooxda Banaadir telecom oo ka qeybgashay tartankii Club champion-ka ee CECAFA 2008. Bishii Oktober waxaa xiriirku Diray kooxda DAALLO oo ka qeybgashay tartanka is reebreebka kooxaha carabta oo lagu qabtay dalka Jabuuti.

Bishan November waxaa si rasmi ah uu xiriirku tababarkii kooxda qaranka sanadkan ka furay dalka Jabuuti iyadoo halkaas ay hada joogaan 30 cayaartoy oo laga kala xulay naadiyada xiriirka u diiwaan gashan iyo cayaartoy laga keenay dibada oo soomaali ah kana kala yimid wadamada UK, USA, SWETZERLAND, NORWAY & CANADA maantana ay xaadir ku wada yihiin jabuuti ayadoo ujeedada xiriirka ay tahay in guul aan ka soo hooyno cayaaraha dibada maadaama ay na caadeysatay guul daro  

December 31 waxaa kooxda qaranka soomaaliyeed ay ka qeybgali doontaa GTV/CECAFA Senior Challenge cup oo lagu qaban doono Uganda. Waxaa  guul lagu faani karo ah oo xiriirku ku guuleystay in Gudoomiyaha guddiga qabanqaabada tartamada CECAFA maanta uu yahay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta taasoo ah guul lagu garay dadaalada uu xiriirku dibada ka sameeyay asagoo u galay juhdi dheer

Dhinaca CAF organizing committee for youth waxaa xubin buuxda ka ah Gudoomiyaha xiriirka Soomalaiyeed ee kubada cagta Siciid Maxamuud Nuru Mugaabe taasina waa qeyb kale oo ka mida dadaalada iyo waxqabadka xiriirka  iyo siyaasada furfuran ee lagu talaabsaday mudd hal sano ah.

Guul taariikhi ah oo uu xiriirku ku talaabsaday waxaa ay tahay in sanadkan xiriirka loo ogolaaday mashruuca horumarinta kubada cagta ee Goal Project oo ay tahay markii ugu horeysay ee ay Soomaaliya hesho mashruucaas oo sanad kastana la siin doono dalka Soomaaliya.

QODOBKA 2AAD

WEBSITE KA XIRIIRKA

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa u suurto gashay in uu sameysto website casri ah oo loogu magac daray www.somsoccer.com  wuxuuna u qeybsan yahay labo qeybood { somali iyo English}  oo loogu tala galay soomaalida iyo ajnabiga in ay si isku mid ah u wada booqdaan si sahlan

 Ujeedada loo Sameeyay Website ka

 In lagu soo bandhigo dhamaan hawlaha horumarineed iyo waxqabadyada xiriirka ee kala duwan gudaha iyo dibada

In bahweynta kubadda cagta ee ku nool goblada dalka iyo dibada ay helaan meel ay kala socdaan hawlaha xiriirka meel kasta oo ay joogaanba.

§          In hay’adaha k/cagta ee xiriirku xubinta ka yahay sida  FIFA, CAF, CECAFA & UAFA  ay helaan goob ay kala socon karaan hawlaha uu qabto xiriirka kubada cagta soomaaliya,iyo in qeybaha war baahineed ee caalamiga ah iyo kuwa guduhuba ay webkaas ka qaataan wararka,war saxaafdeedyada iyo wax kasta oo macluumaad ah oo quseeya kubada cagta Soomaaliya.

§            Website kan sameyntiisa waxaa gacan ka geystay ILEYS technolagy iyo Shaafici Muxuyadiin Islow oo xiriirka hada ah uqeybsanaha war faafinta ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

 Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment