Xulka Gobalka Mdudg oo guul darro sagootin ah dhabarka u saaray xulka gobalka Sool .

Wednesday November 26, 2008 - 10:09:32
2 Comments
7378
Shaafici Muxyidiin
Cayaartu waxaa ay ahady mid aad u kulul oo labada gobal mid waliba uu haminayay in uu badiyo iyadoo taageerayaashuna ay is dhaafsanayeen hadallo xamaasadeysan oo ay qola waliba kuwa kale ku lahayd CIIDA AYAANU IDIN CABSIIN DOONAA,laakin ugu dambeyntii waxaa ay ku dhamaatay 4-3 oo gobalka Mudug uu ku badiyay.

 

Cayaartu shalay galab waxaa ay labada gobalba u ahayd kama dambeyn maadaama ay min hal kulan horay ulasoo cayaareen gobalka bari oo mudug la galay bar bar dhac 3-3 ah halka Soolna uu gobalka bari ugasoo badiyay 2-1. 
  
Kulanka labadan gobal waxaa uu kusoo beegmay iyadoo Mudug ay wadatay haldhibic halka soolna ay wadatay guuldarro ay kala kulantay gobalka bari,waxaana cayaartii galabta oo ahayd mid aad u kulul ay qebteedii hore ku dhamaatay 1-1,laakin qeybtii labaad markiila  iskusoo laabtay oo ay cayaartuna socotay 15 daqiiqo waxaa gool kale helay xulka gobalka Sool oo maanta dar dar xoogan ku socday,laakin iyadoo ay cayaarta ka dhimanayd 20 daqiiqo oo keliya ayaa waxaa gool iyaguna helay xulka gobalka Mudug oo ka mida xulalka ugu ad adag ee haatan ka qeyb galaya cayaaraha 18-aad ee kubada cagta gobalada soomaaliya. 
  
Laakin intaa kadib ayaa waxaa dar dar aad uxoog badan lasoo baxay xulka gobalka Mudug oo ku cayaarayay 9 cayaartoy oo keliya ,waxaana si kasta oo weerar iyo weerar celis la isugu qaaday ugu dambeynbtii ay cayaartu kusoo idlaatay 4-3 oo ay xulka gobalka Mudug ku badiyeen,waxaana sidaa kusoo idlaaday is aragii hore ee cayaaraha.

  
waxaana semi final u soo baxay gobolada
KARKAAR Vs BARI oo wada cayaari doona 27/11/08 oo ah maalinta khamiista ah halka gobalada MUDUG Vs NUGAAL ay wada cayaari doonaan 28/11/08 oo ah maalinta jimcaha iyadoo maantana la nasan doono. 
  
Xulka ku cayaaraya dharka cagaaran waa gobalka Mudug halka xulka gobalka Soolna ay ku labisan yihiin Buluuga iyo cadka.

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment