Isku duwaha qaranka iyo ku xigeenkiisa oo la magacaabay

Saturday July 03, 2021 - 10:52:13
0 Comments
184
Super Admin
Isku-duwaha xulka qaranka Jamaal Xaashi Tuurre
Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbada cagta ayaa magacaabay isku duwaha xulka qaranka Soomaaliya iyo ku xigeenkiisa, si loo dard-ar geliyo howlaha baaxada leh ee qaranka.


Jamaal Xaashi Tuurre ayaa loo magacaabay in uu noqdo isku duwaha xulka qaranka Soomaaliya qeybihiisa kala duwan, halka Axmed Cabdiraxmaan Cali isna loo magacaabay ku xigeenkiisa.

Magacaabistan ayaa dhaqan gashay isla maanta oo laguna faafiyay faafinta rasmiga ah ee xiriirka kubbada cagta Soomaaliya. Masuuliyiinta la magacaabay ayaa shaqadooda ugu horeysa isla maantaba ka bilaabay diyaar garowga xulka qaranka da’doodu ka yartahay 17-ka sano oo ka qeyb galaya cayaaraha da’ yarta Carabta oo 29-ka July ka furmi doona dalka Morooco insha Allah.



Somali Football Federation Media Department

Email:Info@somsoccer.so



Leave a comment