Xulalka Goballada Mudug iyo Bari oo galabta bar bar dhac 3 iyo 3 ah isla dhaafi waayay.

Sunday November 23, 2008 - 22:51:57
2 Comments
2895
Shaafici Muxyidiin
Iyadoo garoonka Mire Awaare ee magaalada Garowe ay si xoosa leh iminka uga soconayaan cayaaraha 18-aad ee goballda dalka Soomaaliya oo wareegoodii labaad uu soconayo ayaa waxaa galabta wada cayaaray goballada Mudug iyo Bari,waxaana cayaartani ay ka mid ahayd cayaarihii ugu dawashada badnaa tan iyo intii uu tartanku bilaabmay.

 

 

Sababta daawadayaasha ugu faraha badani ay garoonka usoo buux dhafiyeen maanta ayaa lagu sheegay in ay tahay labadan gobal oo cayaarta aad ugu xafiiltama,waxaana qeybtii hore ee cayaartu ay ku dhamaatay bar bar dhac 2-2 ah.

 

Laakin qeybtii dambe ayaa xulalka labada gobal mid waliba uu muujiyay dadaal dheeraada ah waxaana sare u kacay weerarka iyo weerar celiska ay labada kooxood isku ahyeen,laakin ugu dambeyntii ayay waqtigii cayaartaas loogu tala galay uu kusoo idlaaday bar bar dhac 3-3 ah.

 

Labada gobol waxaa ay ka wada tirsan yihiin Group-ka B oo kooxaha ku jiraahi ay aad u kul kulul yihiin.

 

Gobalka Bari waxaa uu horay ulasoo cayaaray gobalka sool oo uu ka badiyay halka kulankii laad ee galabtana uu bar bar dhac la galay gobalka Mudug sidaasna gobalka Bari waxaa uu ku leeyahay 4 dhibcood halka mudugna uu leedahay 1 dhibic oo keliya.


Barii oo ay taariikhdu ku beegantahay 24-ka bisha November ayaa waxaa wada cayaari doona gobalada Nugaal iyo Karkaar oo labaduba horay ugasoo badiyay gobalka sanaag,waxaana ay laabdan gobal ku tartami doonaan kaalinta koobaad ee Gropu-kooda,waxaase laga wada dhur sugayaa barri iyo sida ay cayaartooda aadka loo sugayo kusoo dhamaato.

 

Kooxda ku labisan dharka cagaarka ah waa xulka gobalka Mudug  halka cadka iyo madowga isku labadana ay ku labisan yihiin xulka gobalka Bari.

 

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment