Tababaraha Fatih Terim oo saxiisay heshiis kale oo laba sano ah .

Monday September 01, 2008 - 13:31:04
0 Comments
2768
Shaafici Muxyidiin
Sida uu ku soo waramayo saxafiga la yiraahdo Ian Ferris, tababaraha xulka qaranka wadanka Turkey Fatih Terim ayaa go’aan ku gaaray in uu xulkiisa wadanka Turkey uu sii leyliyo labada sano ee soo socota...

isla markaana qalinka ku duugay inuu heshiiskaas aqbalay, kaddib markii uu sanadkan muujiyay geesinimo saa’id ah, xulkiisana keenay semi-final koobkii Euro 2008 ee dhawaan soo idlaaday. Guddoomiyaha xiriirka kubada cagta ee wadanka turkey Hasan Dogan ayaa saxaafada u sheegay “Terim wuxuu naga aqbalay soo jeedinteenii aheyd inuu xulka sii leyliyo, aad ayaana ugu faraxsanahay aqbalaadiisa, isaga xitaa wuxuu noo sheegay inuu ku faraxsantahay inuu wadankiisa u sii shaqeeyo oo meel oo uu wax ka difaaco calanka iyo magaca”.  Fatih wuxuu xulka sii leylin doonaa ilaa  koobka adduunka ee 2010 ka dhacaya wadanka S.africa, sidaas oo kale wuxuu shqada sii joogayaa ilaa laga gaaro ololaha isku diyaarinta is reeb-reebka koobaka qaramadda qaaradda Yurub ee 2012. 

Warkaas ka soo yeeray xiriirka k.cagta ee wadanka Turkey ayaa mesha ka saaraya wararkii sheegayay in Terim uu shaqo u doonan doono kooxaha ka dhisan wadamada kale ee qaaradda Yurub,waxaana geesigan uu noqday tababaraha kaliya ee la soo baxay qaab ciyaareed uusan ku soo talo galin, maadaama uu ciyaaray kulamo dhowr ah oo ay ka maqnaayeen ciyaartooydiisa ugu mihiimsan ee uu ku soo billaaban lahaa ciyaaraha.



Leave a comment