Guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka Caalamiga ah Duran Farax” Xiriirka kubada cagta Soomaaliya waxaa uu qaaday talaabo ku dayasho mudan”.

Friday November 21, 2008 - 10:13:42
0 Comments
2227
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiye ku xigeenka guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee xiriirka Caalamiga ah Mudane Duran Axmed Faarax ayaa amaan iyo bogaadin usoo jeediyay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo haatan wada mid ka mida howlihii ugu balaarnaa ee lagu horumarinayo cayaarta kubada cagta ee dalka Soomaaliya.

 

”Xiriirka kubada cagta Soomaaliya waxaa uu qaaday talaabo ku dayasho mudan”.ayuu yiri mudane Duran oo u warramayay shabakada wararka ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cata waxaana uu intaa ku daray in dar darta xoogan ee howlaha xiriirku ay haatan ku soconayaan ay ka tarjuemyso guulaha xaga kubada cagta ah ee mustaqbalka dhow ay Soomaaliya ku talaabsan doonto.

 

“Dhalinyarada maamula xiriirka kubada cagta waxaa ay mudan yihiin in lagu dhiiri geliyo laguma amaano howsha weyn ee ay qaranka Soomliyeed u hayaan “ayuu mar kale yiri guddoomiye ku xigeenka GOS.

 

Dhanka kale dayactirka haatan ku soconaya garoonka kubada cagta Stadium Banadir ayuu guddoomiye ku xigeenka GOS sheegay in uu qeyb ka yahay wax qabadka muuqda ee madaxda xiriirka kubada cagta ee xiligan lagu xasuusan doonto oo taariikhdana ay baal dahab ah kaga geli doonaan.

 

Duran ayaa waxa kaloo uu ka hadlay xaryirada saaran garoonka kubada cagta Stadium Mogadishu oo ay ciidamao dagan yihiin taas oo uu sheegay in ay ka mid tahay caqabadaha hor yaala dhaq dhaqaaqyo uu xiriirku ka sameyn lahaa magaalada Muqdisho waxaase uu rajeeyay in ay ciidamdaasi dhawaan ka baxaan garoonka.

 

Bishii lasoo dhaafay ayay ahayd markii guddoomiye ku xigeenka GOS ee xiriirka caalamiga ah Mudane Duran Faarax uu guddiga olombikada aduunka iyo FIFA-ba u diray baaq ku wajahan in ay dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya culeys ku saaraan sidii ciidamada looga saari lahaa xarumaha isboorti,baaqaas oo uu sii marsiiyay warbaahinta caalamiga ah ee isboortiga sida AIPS website iyo kuwo kale.

 

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment