Guddoomiyaha ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed Cabdi Casiis Godoax Barre oo hambalyo u diray xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Friday November 21, 2008 - 09:52:31
0 Comments
2537
Shaafici Muxyidiin
Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Isbooriga Soomaaliyeed Mudane cabdi Casiis Goodax Barre ayaa madaxda iyo guud ahaan xubnaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ugu hambalyeeyay wax qabadkoooda gaar ahaana cayaaraha gobalada ee uu xiriirku haatan qeyb ka mida ku qabanayo magaalada garowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntand.

“Raga da’yarta ah ee maamula xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaan u rajeynayaa guul intan kasii balaaran iyo in ay dalka oo dhan cayaarta kubada cagta ku mideeyaan”ayuu yiri guddoomiyaha ururka saxafiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Cabdicasiis Godoax Barre oo sheegay in uu aad ugu rajo weyn yahay hadii uu xiriirku sidan kusii socdo in uu mustaqbalka dhow guul weyn oo tariikhi ah horayna aan loo arag kasoo hoyn karo cayaaraha caalamiga ah.

 

“Talaabada uu haatan xiriirku qaaday waxaan u arkaa in ay tahay mid kaalin mug leh ku yeelanyesa nabada iyo is dhex galka bulshada hadii aanu nahay saxafiyiinta Soomaaliyeed ee isboortiga ka faaloodana waxaanu balan qaadaynaa in dadaalkeena inta ugu badan aan ku bixino dhiiri gelinta dhaq dhaqaaqyada uu xiriirku wado”ayuu mar kale yiri gudoomiyaha ururka saxafiyiinta isboortiga Soomaaliyeed Cabdi Casiis Goodax Barre.

 

Guddoomiyaha ayaa dhambaalkiisa uu soo gaarsiiyay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta waxaa uu ugu dambeyn xiriirka iyo guud ahaan umada Soomaaliyeedba uga tacsiyadeeyay geeridii ku timid gudodomiyihii hore ee kubada cagta Soomaaliya Alle ha u naariistee Faarax Wehliye Cadow oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar laguna wadao in magaalada Muqdisho lagu aaso horaanta todobaadka dambe.

 

Fadlan Hadii aad hambalyo ama talo soo jeedin kale usoo direysid xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta  qoraalkaaga kusoo hagaaji cinwaanka hoose ee waaxda warfaafinta xriirka kubada cagta Soomaaliya.

 

Somali football press department

 

Contact:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment