Imisa tababare ayaa u sharaxan jagada kooxda West Ham?

Thursday September 04, 2008 - 14:43:28
0 Comments
1680
Shaafici Muxyidiin
Ku dhawaad 5 tababare oo heer sare ah ayaa u sharaxan jada tabarenimo ee kooxda West Ham, kaddib markii uu is carsilay tababarihii hore ee kooxda Alan Curbishley.

Alan ayaa sheegay in xilka tababarenimo ee kooxda uu iska dhiibay, kaddib markii uu arkay in maamulka sare ee kooxda ay faraha kala bixi waayeen xulashada ciyaartooyda ee kooxda, wuxuuna intaas ku daray in maamulku  ay fasaxday dhowr ciyaaryahan oo muhiim u ahaa kooxda.

Wararka ka imaanaya magaaladda London waxay sheegayaa in tababareyaasha kala ah, Slaven Bilic, Sam Allardyce, David O'leary, Gary Johnson, Harry Redknapp iyo Glenn Hoddle,  ay ku tartamayaan qabashada xilka tababarenimo ee kooxda Wes Ham, waxaana la sheegayaa in dhammaan tababareyaashan ay soo gudbisteen feylashooda shaqada.

Tababaraha wadanka Croatia Slaven Bilic ayaa sida wararku  sheegayaan ugu dhow  qabashada xilka tababarenimo ee kooxda West Ham, waxaana Bilic oo hada loo aqoonsayahay tababaraha labaad ee ugu fiican tababareyaasha leeyliya xulalkooda marka laga reerbo tababaraha wadanka Brazil Dunga uu isku diyaarinayaa in mar kale uu ku soo laabto garoonka Upton Park, waayo wuxuu kooxda West Ham u soo ciyaaray sanadihii 1996-97.

Ururuka tababareyaasha horyaalka Ingiriiska ee LMA ayaa sheegay in ay ku fashilmeen iskuday ay ku xalin lahaayeen is qab qabsi ka dhex aloosnaa maalmihii la soo dhaafay tababare Alan oo shaqada ka tegay iyo maamulka sare ee kooxda West Ham, waxayna cadeeyeene in tababarihii lagu fara-galiyo shaqada xulashada iyo heysmada ciyaartooyda uu xaq u leeyahay inuu iska carsilo jagada uu kooxdaas u hayo.



Leave a comment