Tacsi ay direyso Safaarad Soomaaliya ee UAE

Wednesday November 27, 2013 - 01:46:40
0 Comments
2518
Super Admin
Safiirka Soomaaliya ee dalka Imaaraadka carabta Mudane Abdulqaadir Shiikheey Al Hatami ayaa isagoo ku hadlayay magaca dhamaan diplomaasiyiinta Soomaaliyeed gaar ahaana kuwa ku sugan Imaaraadka waxaa uu tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan oo uu uga tacsiyeeyay geeridii naaxdinta lahady ee ku timid, wasiir arrima dibadeed hore marxuum Axmed Maxamed Aadan Qeybe oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa.


Marxuumka oo dalka usoo dhaqeeyay muddo ka badan 25 sanadood ayaa da’diisu ahayd 83 jir. "Inaa lilaahi wa inaa Ileyhi Rajicuun, waxaan marxuumak Alle uga baryeynaa in uu Janatul firdowsa ka waraabiyo dhamaan umada Soomaaliyeedna samir iyo iimaanka siiyo”ayuu dhambalkiisa tacsida ah ku yiri safiirka Soomaaliya ee Imaaradka Mudane Abdulqaadir Shiikheey Al Hatami


Somali Football federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com



Leave a comment