Fabregas oo ku taliyay in Kooxda Arsenal lagu soo biiriyo Alonso.!!

Tuesday September 02, 2008 - 11:03:43
0 Comments
3228
Shaafici Muxyidiin
Cesc Fabregas ayaa tababaraha Arsenal Arsene Wenger u sheegay in taladiisa ku aadan soo iibinta ciyaartooyahan khadka dhexe ee difaaca uga ciyaaro Kooxda inuu la jecelyahay Xavi Alonso..

isla markaana kooxdu ku dadaasho sidii ay ku soo xero galin lahayd ciyaaryahankaasi, in ka badan inta ay isku howlayaan Kabtanka kooxda Aston Villa Gareth Barry.

"Waxaan dhihi karaa in Alonso uu yhay ciyaartooyahan aan saaxiibo nahay, ka sokoow saaxiibtinimadeena wuxuu yahay nin aad u heer sareeya oo ku taqasusay k/cagta, wuxuu Ciyaartooyda dhiniciisa ah ugu deeqaa kubado halis ah, waana howlkar, difaac badan, gool dhaliye ah, khibrad leh, isla markaana weli da'diisu yar tahay, eeg waa 26-jir halis ah" ayuu yiri Fabregas oo aad uga xanaaqasan guul darradii Sabtidii ku dhacday kooxda Arsenal, markii Fulham ay 1-0 ku quusiyeen.

"Shaqsiyan waxay ila tahay in Arsenal u baahan tahay Xavi, waayo waxaan dooneynaa in aan guulo wax ku ool ah gaarno, waxaan dooneynaa in aan ku guuleysno koobabka soo socda, sidaas oo kale waxaan diyaar u nahay in aan khibrado badan helno, Waxaana idiin sheegayaa in aan Arsenal u sii ciyaari doonaa, markii aad fiiriso caalamka K./cagta, waxaa kuu soo baxaya kooxo yar oo sida ciyaar wanaaga ah ee aan u ciyaarno na soo dhaweyn kara, waayo waxaan ciyaarnaa Kubbad aad u heer sareysa oo macaan" ayuu sii daba dhigay Cecs.

Tan iyo markii kooxda Arsenal ay ka tageen laacibiintii hore ee khadka dhexe ee Matheui Flamini, Alexsander Hleb iyo Gilberto ayaa kooxda Arenal waxaa soo wajahay dhibaato aad u weyn, waayo waxaa banaanaaday books Khadha dhexe ee difaaca, waxaan hadda tababare Wenger uu ku jiraa dadaalkiisii ugu dambeeyay ee soo iibinta ciyaryahan buuxiya booskaas, iyadoo ay kala dooranan doonaan Midkood Gareth Barry, Yaya Toure, Xavi Alonso, Marcos Senn iyo Inner.



Leave a comment