Soomaaliya oo ka daa’iideysatay Koorsadii FIFA ee Dar Es Salaam

Sunday September 23, 2012 - 01:14:03
0 Comments
1863
Shaafici Muxyidiin
Magaalada Dar Es Salaam ee xarunta dalka Tanzania waxaa maanta gellinkii dabme ka dhacday munaasabad weyn oo lagusoo gabagabeynayay Tababar heer caalami ah oo ay FIFA u qabatay macalimiinta garsooreyaasha ee dalalka Africa ee luqada Ingiriiska ku hadla, waxaana Soomaaliya oo wiilasheeda yaryarka ahi ay Sudan ka reebeen cayaaraha dhalinyarada Afrika uga qeyb galay tababarkaas sadex macalin oo horay garsooreyaal caalami ah u ahaan jiray.


Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa soo dhaweeyay tababarkan oo uu sheegay in xiligan uu muhiimad aad u weyn u leeyahay Soomaaliya oo kubadeeda cagtu ay kasoo kabsaneyso dagaalo sanado badan socday.

“Soomaaliya waxaa ya ka mid tahay wadamada caalamka ee kubadooda cagtu ay soo koreyso, sidaa daraadeed koorsada noocan oo kale ahi macno weyn ayay noogu fadhisaa marka loo eego kor u qaadista tirada iyo tayada garsooreyaasha kubada cagta Soomaaliya”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab.

“Sanad kasta waxaanu qabanaa hal koorso oo caalami ah iyo ugu yaraan lix kale oo gudaha dalka aanu ku qabano waxaana korosooyinkaasi ay isugu jiraan kuwa garsoorka, kuwa macalimiinta iyo kuwo xaga maamulka ah---Garsoorka ayaan xoog badan saarnaa sababtuna waxaa ay tahay garsoorku waa habka cadaalada cayaaraha oo la’aantiis aan tartamo la qaban Karin”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay xoghayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab oo sheegay in xiriirka Soomaaliyeed uu sare u qaadi doono tirada koorsooyinak uu gudaha dalka ku qabto.

Koorsada nooceedu ahaa FIFA FUTURO III ee loo qabtay macalimiinta ayaa waxaa ay ka koobneyd laba qeybood oo kala ah FITNESS Course oo Soomaaliya uu uga qeyb galay Cabdi Cabdulle Axmed (Baasaale) iyo tan kale oo ahayd TECHNIAL Course oo Soomaaliya ay uga eyb galeen Cali Maxamed Axmed iyo Salaad Cusmaan Maxamed.

“Run ahaantii wax badan ayaan ka baranay korosooyinkan oo aad muhiim ugu ahaa Soomaaliya xiligan marka loo eego kor u qaadista aqoonta iyo khibrada garsooreyaasha Soomaaliyeed”ayuu yiri madaxa waxbarashada xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali maxamed Axmed oo ka mid ahaa macalimiinta tababarka ka qeyb galay.

“Marka lagasoo tago aqoonta xaga garsoorka ah waxaa jiray casharo kale oo muhiim ah oo ku aadanaa dhanka IT-ga oo aad noogu muhiim ah macalimiin ahaan maadaama ay waajib nagu tahay in qalab teknoolojiyo ah  aan casharada ku bixin doono”ayuu mar kale yiri Cali maxamed Axmed.

Macalimiinta Soomaaliya ayaa caawa fiidkii kasoo baxay Dar Es Salaam waxaana ay Transit kusoo yihiin garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta iyadoo barrina ay horay usoo raaci doonaan xulka qaranka da’doodu ka yartahay 17=ka sano oo iyaguna kasoo laabanaya dalka Sudan kaddib guul ay ka gaareen cayaar ay jimcihii la yeesheen dhigooda dalka Sudan.

Somali Football Federation Media Department


Email:somalifootballmedia@gmail.com

 

 


Leave a comment