CECAFA oo soo dhaweysay tababarka FIFA ee ka socda Dar Es Salaam

Wednesday September 19, 2012 - 00:48:58
0 Comments
1912
Shaafici Muxyidiin
Golaha xiriirada kubada cagta ee wadamada bariga iyo bartamaha Afrika ee CECAFA ayaa si weyn usoo dhaweeyay tatabarka macalimiinta garsooreyaasha uga socda magaalada Dar Es Salaam ee dalka Tanzania halkaas oo macalimiin ka socda wadamada ku hadla afka Ingiriiska ee qaarada Africa ay tababar heer sare ah ku qaadanayaan kaas oo soconaya 17-22 September 2012.


“Qabashada tababarkani aad ayay ugu wanaagsan tahay gobalkeena bariga iyo bartamaha Africa waxaana dhab ahaantii ay xoojineysaa sarena u qaadeysaa aqoonta garsoorkeena—waxaan jeclahay in aan u mahad celiyo  xiriirka kubada cagta aduunka ee FIFA iyo kan qaarada Africa ee CAF abaabulida fursadan cajiibka ah”ayuu yiri xoghayaha guud ee CECAFA Nichoilas Musonye oo la hadlay warbaahinta CECAFA maanta.

Tababarkan magiciisu yahay (Futuro III refereeing course) waxaa uu magaalada Dar Es Salaam ka furmay isnintii wuxuuna soconayaa ilaa iyo 22-ka bishan September.

“Dabcan CECAFA ahaan waxaan qabnaa rajo weyn oo ku aadan in garsooreyaasheenu dhex dhexadiyaan cayaaraha waaweyn sida Koobka aduunka ee FIFA, koobka qaarada Africa ee cup of nations iyo kuwa olombikada aduunka” ayuu yiri xoghayaha guud ee CECAFA Nicholas Musonye oo ka jawaabayay su’aal ku aadanayd rajada CECAFA ka qabto in garsooreyaal badan ay ku yeelato koobka aduunka iyo cayaaraha kale ee waaweyn.

“Taasi waa riyada garsooreyaasheena, gaar ahaana arrintaasi way i taabaneysaa, hadii aanu nahay hogaamiyeyaasha CECAFA waxaan jecelnahay in aan aragno garsooreyaasheena oo heer sare ka jooga kubada cagta aduunka---waan hubaa in koorsooyinka noocan oo kale ahi ay garsooreyaasheena gaarsiinayaan meel sare”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Nicholas Musonye.

Warbaahinta CECAFA ayaa Musonye weydiisay  hadii ay jiraan garsooreyaal gobalka u dhashay oo horaye u dhex dhexaadiyay koobka aduunka wuxuuna ku jawaabay”Haa way jiraan garsooreyaal CECAFA oo horay u qabtay koobka aduunka waxaana ka mid ah Ali Tomusange oo u dhashay dalka Uganda iyo Celestine Ntangungira oo u dhashay dalka Rwanda hadana ah u qeybsanahay garsoorka CAF ee gobalka CECAFA”.

Tan iyo markii uu qabtay xafiiska xoghayaha guud ee CECAFA mudo iminka in ka badan 10 sanadood laga joogo Mr. Nicholas Musonye waxaa uu sameeyay is badal weyn oo dhinaca horumarka ah wuxuuna ku guuleystay in cayaaraha CECAFA la geeyo wadamada gobalka oo dhan  marka laga reebo Soomaaliya oo dagaalo ka jiraan iyo sidoo kale qabashada tartamo joogto ah oo kala duwan.

Mid ka mida guulaha waaweyn ee la xusi karo waxaa ay tahay in cayaaraha CECAFA lagu qabtay dalka Eritrea oo waligiis aan horay u qaban tartan CECAFA ah waxaana sanadkii 2010-ka bishii August cayaarihii saaxiibtinimada iyo horumarinta ee dhalinyarada ka yar 20-ka sano lagu qabtay magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Somali Football Federation Media Department

Email:somalifootballmedia@gmail.com

 



Leave a comment